|

Kenya Oo Qiratay in 150-qof oo shacabkeeda Ka Mid ahaa ay Ku Dhinteen Weerraradii dhawaan Dalkeeda Ka Dhacayey

Nairobi:June,26,2014(SDN/QJ)-Kenya, ayaa warbixin ka soo saartay dilalkii dhawaan dalkeeda ka dhacay iyo dadkii shacabka ahaa ee sida joogtada ah loogu laynayey.

rasseWarbixinta Dawladda ayaa lagu sheegay Weerraradii Shabaabku dhawaan ka Geysteen Deegaamo ka tirsan  Kenya  iyo Isku  dhacyo Beeleed oo dhawaan dhacay ay ku dhinteen Tiro dad ah oo gaadhaysa ilaa iyo 150-Ruux.

 

Warbixin ka soo baxday Dowladda Kenya ayaa lagu xusay in Bishii May oo kaliya la Dilay 12 Ruux halka 78 kalena uu dhaawac kala duwan ka soo gaadhay Qaraxyo siyaabo kala duwan uga dhacay Suuqa Gikomba ee Magaalada Nairobi.

Sidoo kale Warbixinta ayaa lagu sheegay in Weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Mpeketoni oo ku dhow Jaziirada Lamu in lagu Dilay ku dhwaad 100 Ruux oo Kenyaan ahaa.

Weeraradaaso intooda badan ayaa waxaa dhabarka u ritay Ururka Al Shabaab oo Dagaal Xoogan kula jira Dowlada daciifka uu Madaxda ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inkastoo Uhuru Kenya carabka ku dhuftay in aanay fulin Al Shabaab.

Hay’addaha iyo Saraakiisha amaanka ee Dowladda Kenya ayaa soo hadal qaaday Dagaalada ka dhaca Wajeer, Mandheera, Gaarisa iyo Degaanada kale oo ku dhow in ay ka dambeeyaan Ganacsato lagu tilmaamay kuwa Dano gaar ah leh.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed