|

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 17aad: Xisbi waa ka Kulmiye, Xukuumadna waa ka Kadeed Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Hargeysa:June,26,2014(SDN/QJ)-Dur iyo Daabac ma maqli jirteen. Illeyn da’-yarta maanta dadka ugu badani ma soo gaadhin. Waxay ahaayeen labada dhinac ee shilinka ama ganbadaba. Muqdisho markii la joogayna waxa la odhan jiray Xarash iyo Madax. Hadba shilin ayaa sidii siidhi-walayaasha kor la inoogu tuurayaa, markaasaa durkii daabac la inooga dhigayaa, ama daabicii dur la inooga dhigayaa. Muran iyo murug. Maag iyo makeeki aan meelna lagu tegayn ee bartii uun lagu meeraysanayo. Ma maqli jirteen Deelleeydii Yuusuf Aadan tuduc ku jiray oo ahaa:

BOOBEHEENA “Darandoorri saan-qaad,

 

Dib u soco hore u soco,

 

La-da’ weeye taagnow,

 

Maxaa daal la taransaday,”

Xukuumad ma haynno oo xaalkeeda isu sheegi meynno. Xisbigiina ka sii daran oo dhabbihii UDUB ku jaqaafisay mid ka sii daran ayuu hayaa. Dooddu waxay ka taagan tahay: Ma xukuumadda ayaynu hagaajisannaa oo toos-toosinnaa, mise xisbiga talada dalka haya. Xisbiga ayaa xukuumadda dhala, markaa dantu waxay inagu qasbaysaa in aynu culayska saarno Xisbiyada dhalaya xukuumadaha. Hooyo hagaasan ayaa ubad hagaagsan dhasha. Heestii Cabdillaahi Qarshe ayaa sidaas ahayd. Haddii kale maah-maahdiiba qaata ahayd: “Hal booliyi, nirig xalaal ah ma dhasho.” Waa halka ay sartu ka qudhmayso. Been ayaa la isku maaweelinayaa. Xisbi Kulmiye la yidhaahdo oo talo dal iyo dad hayaa ma jiro. Xumuumad xisbi ka soo baxday oo dal iyo dad u talisana waa laga dardaar-werinayaa. Taladii dalka iyo dadkaba in cunaha la iskaga maray ayaa loo badan yahay. Markii hore, waxa la sheegayaa in xukuumadda gacanta lagu dhigay. Intii ka dambeysayna xisbigii Kulmiye ayaa la dhaxal-wareejiyay.

Bal hadda male-awaalkan ila daya: Xukuumaddii cusbayd iyo Madaxweynihii la doortay 26/6/2010kii, waxay markiiba go’aansadeen oo ay ku dhaqaaqeen in ay furaan Ururrradii siyaasadeed.

Hadda Xukuumadda waxa loo tirinayaa in Xisbigeedii Kulmiye taladaba gacanta ku hayay. Su’aasha ‘Milinium-ku’ waxay noqonaysaa: Maxay Xukuumaddu uga baahnayd in ay Ururrada furto, kol haddii Xisbigii ay ku ab-tirsanaysay taladii dalka hayay? Ma Dimuqraadiyad-jacayl ayay ka ahayd? Ma dalka iyo dadka ayay u danaynaysay? Waxay ila tahay jawaabtu waa maya. Xukuumaddu, waxay Ururrada u furtay in ay qaar ama mid, ugu yaraan ku yeelato.

Waxaan is-leeyahay beryahaa Xukuumaddu kuma qanacsanayn in ay Kulmiye leedahay oo waa tii bishii Ogos, 2010kii si ku-meel-gaadh ah Muuse Biixi loogu wareejiyay xilkii Guddoomiyaha.

 

 

 

Ururradi furmay mid ka mid ah ayay hadal-hayntu u badnayd in ay xukuumadda ama dad ka tirsani leeyihiin.

Waa Ururkii Nasiye ee ka soo gudbay imtixaankii hore ee noqday Ururka, shahaaddadana la siiyay. Tartankii dambe ee Golayaasha Degaanka ee xisbinnimada loogu gudbayay Nasiye iyo UDUB ayaa ka hadhay. Xisbigii UDUB si dabiiciya oo sababaysan ayuu u burburay oo saaxadda uga baxay.

Bal se Ururkii Nasiye isaga oo nool oo aanu burbur dhexdiisa ka dhicin ayay si qun-yar socod ah naftu uga baxday. Waxa la isla dhex-marayay: “Fiishtii ayaa laga saaray, gollidii ayaa lagala baxay” iyo weedho la mid ah oo aan ilaa maantadaa aynu joogno aanay cidina ka hadal, bal se si tifaf-tiran ay uga hadli doonaan inta u hollata in ay dhanbasho geeddiga siyaasadeed ee Somaliland.

Waxa loo badinayaa in maalintaas ururkii Nasiye ka baxay saaxadda siyaasadeed, kooxdii Ururkaa loo tirinayay yiqiinsatay in aanay u baahnayn Ururka Nasiye oo ujeeddooyinkii ay ka lahaayeen ay ka fushan karayaan Xisbiga Kulmiye dhexdiisa.

Maalintaas, Xisbiga Kulmiye dadkaas gacanta uguma wada jirin, bal se istaraatejiyada ay dhigteen, waxay isku qanciyeen in ay yeelan karayaan Xisbiga Kulmiye. Waxaan is-leeyahay qorshahaa waa la dejiyay, waa lagu shaqeeyay, waa la hirgeliyay, waana lagu guulaystay.

Mabda’ ahaan Jamhuuriyadda Somaliland qofna laba Gole ama saddex kama wada tirsanaan karo. Tusaale: haddii adiga oo Golaha Wakiillada ka tirsan Wasiir laguu magacaabo, istiqaalad ayaad xildhibaannimadii ka bixinaysaa. Tusaale kale: Adiga oo wasiir ah isuma sharrixi kartid Xildhibaan oo waa in aad horto wasiirnimada ama xilka kale ee aad haysid dhigtaa.

Mabda’aa ay Somaliland ku soo caano-maashay xukuumaddan iyo Xisbiga Kulmiye kuma shaqayn. Hadda Cigaal iyo Ra’yaale waa ay kaga duwanaayeen.

 

 

 

Yuhuuntaa aanu qofna laba gole ku gelin karin in la raaco ayay ahayd. Xukuumaddeennu si ay Xisbiga Kulmiye u badhaxdo waxay jidaysatay in Golaha Xukuumaddu dhammaantii xubno ka noqdaan Shirweynayaasha iyo Golaha Dhexe ee xisbigaba. Waxa kale oo ay jidaysteen in Guddida Fulinta oo kontameeyeeye ku dhow intooda badani ay ka yimaaddaan Golaha Wasiirrada. Sidaas oo ay ahayd ayaa Shirweynihii 3aad oo shrciyaddiisa lagu murmi karo la xalaaleeyay in 170 xubnood oo cusub lagu kordhiyo Golaha Dhexe oo marka horeba tiro-badnaan la dheel-dheelliyay. Sidaas ayaa xisbinnimadii lagu badhxay, Kulmiyaha maanta jiraana aanu u ahayn Kulmiyihii beryaha qaar jiray.

Qabyaaladdii ayaa la jidaystay oo xisbinnimadii ayaa la macno-tiray. Waxaan soo xusuustay tuduc ku jiray tix uu lahaa Timacadde oo kaga hadlayay sidii loo wareejiyay gobolka NFD ee ay Soomaalidu degto ee dalka Kiiniya oo ahaa:

 

 

 

NFDii wareegeedani shalay, waa horuu dhacaye,

Waayeelladii loo diraa, waayirkaw jaraye,

Wiglada iyo heellada markii, la isu waalaayay,

Ay sii walaanwalinayeen, way waddacayeene,

Goortii walaal garab galiyo, wehelba loo diiday,

Haadkiyo waraabuhu ka dhereg, walaqtankoodiiye,

Wixii dhacayba nimankaan ku waday, in aynu weydiinno,

Mar hadday u weysaysatoo, Weliyo loo haysto,

Aniga yaan wax baynu isu nahay, la igu weyrixinne,

Ninkii weliba sii eegayaa, ha u wishiirriyo e’,

 

Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, mid ha loo sheego. Ha loo sheego in Xisbiga Kulmiye gacantiisa ka baxay maalintaas (ka hor 28/11/2012kii) ee aan maanta laga adkaan. Haddii uu rumaysan waayana, ha loogu dhaarto. Siyaasaddu waa geeddi-socod (Process).

Ma aha ciyaar kubbadeed oo lagu dheelayo garoon xaddidan, waqti xaddidan, tiro xaddidan oo ciyaartoy ah iyo garsoorayaal xaddidan Siyaasaddu waa geedi-socod muddo qaata oo ay garsoorayaal ka yihiin waqtiga iyo dadweynuhuba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siilaanyo oo ka hadhi la’ Guddoomiyannimadii Xisbiga Kulmiye isagana mid ha loo sheego. Ha loo sheego in aanu sannadka 2015ku ahayn sannadkii 2010kii oo aanu helayn codadkii berigaa uu helay iyo wax u dhow midnaba. Haddii uu rumaysan waayana ha loogu dhaarto.

Muuse Biixi mid aan ku idhaahdo: Aqoonso in aad tahay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, adiga oo ku shaqaynaya waxaanad aamminsanayn kuna hagaya Xisbiga ujeeddooyin aanad adigu lahayn bal se cid kale dejisatay, Madaxweynaha iyo kooxda ku xeeranna sidaa kula shaqee.

Haddii aanay taasi kaa suurtoobayn, kuu la’ Guddoomiyannimada Xisbiga Kulmiye ee xilka si sharaf leh iskaga wareeji adiga oo aqoonsan in aanay noloshii dhammaan.

Mudane Siilaanyo, isagana aan mid ku idhaahdo: Madaxweyne waxba ha ka xishoon ee la soo noqo gacan-ku-hayntii Guddoomiyannimada Xisbiga Kulmiye oo Xukuumad iyo Xisbiba wixii ka yimaadda adiga ha laguu raaco.

Milgahaaga iyo maamuuskaaga midnaba ma aha in aad wareegtooyin ka soo saarto ama talooyin ka bixiso Xisbi aad si rasmiya taladiisii u wareejisay oo kuwii kaala wareegayna ay kuu habranayaan.

 

 

 

Waa Ramadaan oo mar hore ayaan idiin sheegay in aynu intaa kala maqnaan doonno, ka-fursan-waa inagu yimaadda mooyaane’. Ramadaan Kariim dhammaantiin, Allahayow adigu noo door.

 

Dhammaad

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed