Safiirka Falastiin ee Masar oo bogaadiyey go’aamada Soomaaliya ee taageeraya xuquuqda dadka reer Falastiin
Qahira June 26,2014(SDN/QJ)-Safiirka Falastiin ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ahna denjiraha joogtada ah ee waddankaasi u fadhiya Jaamacadda Carabta Mudane Jamaal Al-Shawbaki ayaa Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira kula kulmay Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna hormuudka diblamaasiyiinta ee ku sugan dalka Masar Mudane Cabdalle Xasan Maxamuud.
Sida ay sheegtay qaybta warbaahinta ugu qaabildan safaaradda Falastiin, denjire Al-shawbaki waxa uu dhiggiisa Soomaalya u dulmaray waxyaalihii ugu dameeyey ee ka dhacay Falastiin oo ay ugu weyn tahay xadgudubyada taliska Israel ee ka dhanka ah shacabka reer Falastiin, sii-wadista Israel ee jebinta xeerarka caalamiga ah iyo xuquuqda insaanka, isagoo tilmaamay in Israel ay ka shaqaynayso wiiqidda xalka labada dowladood, iyadoo wadda dadaalo ay ku khatar-gelinayso Qudus iyo weliba degaamaynta dhulka reer Falastiin ee la haysto.
Denjire Al-shawbaki ayaa bogaadiyey go’aamada Soomaaliya ee taageeraya shacabka reer Falastiin iyo xuquuqdiisa sharciga ah, isagoo tilmaamay in qaddiyadda Falastiin ay tahay qaddiyadda ummadda Carbeed oo dhan, isla-markaana shacabka Falastiin ay ku faanayaan Carabnimadooda iyo ka-tirsanaantooda ummadda. Kulankan ayaa sidoo kale la iskula soo qaaday arrimaha gobolka iyo waxyaalihii ugu dameeyey ee ka dhacay mandiqadda Carabta iyo saamayntooda qaddiyadda Falastiin.
Dhinaciisa, denjiraha Soomaaliya ee Masar Mudane Cabdalle Xasan Maxamuud ayaa soo dhoweeyey booqashada uu ugu yimi denjire Al-shawbaki, waxana uu ugu hanbalyeeyey xilka cusub ee loo magcaabay ee ah Safiirka Dawladda Falastiin u fadhiya Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, waxana uu u rajeeyey in uu ku guuleysto shaqadiisa, isagoo u xaqiijiyey in Falastiin ay ku jirto qalbiga qof kasta oo Soomaali ah, isla-markaana uu waddankiisu taageerayo xaqa shacabka Falastiin ee dhismaha dal ay leeyihiin oo madax bannaan oo caasimaddiisuna tahay Qudusta Sharafta badan.
Labada dhinac ayaa gabagabadii kulankooda carabka ku adkeeyey muhiimadda sii wadista kulamada noocan oo kale ah si looga wada hadlo qaddiyadaha labada dal u leh danaynta iyo ihtimaam wada jirka ah
SDN/QJ-Qahira