Nigeria oo Naf Lacaari Ku Soo Baxdey Iyo Ghana Rajadeeda Yar Ku Xidhantahay Portugal.(By Jaahuur)
Brazil-25-June-2014- (SDN) Asxaabtay qormadeena ciyaaraha waxaynu ku falanqeyneynaa koobka kubadda cagta ee aduunka ee ka socda dalka Brazil oo wareegii hore ilaa bari soo gabagaboobayo,waxaynu ogsoonahay xulal aad loogu kalsoon yahay horeyna ugu guuleystey koobka kubadda cagta ee aduunka iney u haajireen guryahoodii sida Spain,Italy iyo Ingiriiska.
Haddaba xulalkaa hadhay ee aaynu soo xusney waxay fursad wanaagsan u noqoneysaa Brazil,Argentin,Germany,Holland iyo France dhici kartana in mid kamid ah ku hantiyo koobkan.
Akhyaartay haddii aynu soo qaadano ciyaartii xiisaha badneyd ee dhexmartey Argentin iyo Nigeria ayaa waxaa ka soo qeybgaley dadweyne caga-cageynaya 65,000 iyo dabcan taageerayaashooda,walow labadan xul kii badiyaba iyo kii laga badiyaba aay u soo wada baxayaan warwwgga labaad.
Labada xul ayaa soo bandhigey ciyaar aad farsamadeedu u sareyso qeybtii hore ee ciyaarta daqiiqaddii 3-aad waxaa aad u quruxbadan oo laad xor ah kaga farxiyey Argentin Messi,laakiin daqiiqaddii 4-aad gool aan ka dhicin ugu jawaabey Musa,Messi ayaa labeystey daqiiqaddii 45-aad Musa-na daqiiqaddii 47-aad ayuu isna labeystey.
Qeybtii dambe ee ciyaarta ee ciyaarta goolkii qalbi jabka waxaa daqiiqaddii 50- aad ku sagootiyey Nigeria Rojo.
Ilaa iyo hadda xulalka Afrika waxaa wareegga labaad u soo baxay Nigeria,Ghana rajadeeda yar waxay ku xidhantahay ciyaarta bari la yeelan doonto Portugal.
Saaxiiibayaal waxaynu isu diyaarin doonaa wareegga labaad oo inoo bilaami doona Sabtida soo socota haddii Ilaahay ina gaadhsiiyo.
W/qorey Jaahuur
SDN
jjaahuur@hotmail .com