Gudoomiye Muuse Biixi oo Shacbiga Somaliland ku Hambalyeeyay 54 Guurada Xornimadii 1960kii.
Hargaysa 25.June 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shacbi weynaha Somaliland oo uu ku bogaadiyay 54 guuradii ka soo wareegtay markii Somaliland xornimadeedii ka qaadatay dawladda Ingiriiska 26-kii June 1960-kii, xiligaas oo ay noqotay meeshii u horeeyay ee calan-soomaaliyeed oo xor ah laga taagay.
Muuse Biixi waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray oo u dhignaa sidan:-“Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, Golaha Dhexe, Guddiga Fulinta iyo dhammaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan shacbiga Somaliland xuska sannad-guurada 54-aad ee ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Somaliland xornimadeeda ka qaadatay mustacmarkii Ingiriiska 26-kii June 1960-kii.
Guddoomiyuhu wuxuu u rajaynayaa inay sannadkan kiisa ku gaadhaan horumar iyo aqoonsi.
Allaa Mahad Leh.”
Hargaysa SDN/QJ
contact@somalidiasporanews.com