|

Xisbiga Waddani oo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday inay Faahfaahiso Muwaadiniin ay Gacanta u Gelisay Jabuuti

Hargaysa 25.June 2014 (SDN/QJ)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa maanta si adag uga hadlay sadex nin oo dhawaan la sheegay in Xukuumada Somaliland ay u gacan galisay Dawlada Jabuuti ku waasoo ku eedaysan in ay ku lug lahaayeen Qaraxii dhawaan ka dhacay dalka Jabuuti.

Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Xisbiga WADDANI Mustafe Maxamuud Qodax oo arintan ka hadlay ayaa Xukuummadda ugu baaqay in  ay faah faahin dheeraad ah  ka bixiso Sadexda qof ee ku eedaysan in ay ka mid  yihiin Argagixisada,waxaanu  carabka  ku dhuftay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo nabad galyada qaranka Somaliland taasoo ah  mid aynu kaga horrayno geeska afirka sida uu sheegay ,waxaanu tibaaxay in ka Xisbi ahaanna ay diyaar u yihin in kaalintooda door muhiim ah ay uga qaataan ilaalinta Aminiga Dalka.

Xoghaya Arimaha gudaha ee Xisbiga WADDANI Mustafe Maxamuud Qodax ayaa hadalkan ka sheegay mar ay maanta shir jaraa’id  ku qabteen Xarunta Xisbiga WADDANI ee Magaalad Hargeysa.

“Waxaa ilaa shalayto saxaafadeenna ka soo baxayey in Muwaadiniin reer Somaliland ah oo ku eedaysan Argagisxiso,dee ilayn maynaan wali maqal Xukun ku dhacaye in ay dambiilayaal yihiin ee  in laga qaaday dalka isla markaana Jabuuti loo gacan galiyey,Waa ay fiican tahay Xaqiiqatan in la ilaaliyo Amniga Gudaha iyo ka dalalka Jaarkaba oo aynu fure u nahay Guud ahaanba Mandaqada oo Somaliland ay in badan ay ku faanaysay in ay tahay nabad isla markana,waana aynu ku dadaali ka Qaran ahaan ka xisbi ahaana waa ay naga go’an tahay in aanu arintaas Xoojino,Waxaanu Codsanynaa waxa weeye Arintaasi ma faahfaahsanayn sida loo dhigay ama sida wararka Soo baxayaa ay u yaalaan,waxaanu Xukuumada ka dalbanaynaa  Qarankan Amnigiisu waa uu ina wada Khuseeyaaye  indinkaase Xakuumadii ahoo dalka maanta Gacanta ku hayee in aad war intaas ka faahfaahsan oo runtii ku saabsan Xubnahaas o runtii ay arintaasi ay tahay arin xaasaasi ah in dadka loo soo gudbiyo”Ayuu yidhi Mustafe Maxamuud Qodax.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed