|

‘Waxaanu Si Adag U Canbaaraynaynaa Siday U Dhacay Xukunka Haatuf,Waxaanu Rajaynaynaa….” Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland {DHAGAYSO}

cirrrHargaysa:25,June,2014(SDN/QJ)-  Gudoomiayaha Golaha Wakiialdda Somaliland,ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani,ayaa maanta wax aan Somaliland Dhaqan u ahayn ku tilmaamay Habkii loo maray Maxakamadantii Masuuliyiinta Haatuf.waxa uu sheegay in Xukunkaas lala dhuuntay,oo laga Qariyay Ehelka iyo Daneenayaasha Dacwadda Wargayska,iyada oo Cidii Nasiib u yeelatay inay Wakhtigaa Goobta Joogaana loo diiday inay Maxakadda galaan.

Waxa kale oo uu sheegay in loo diiyay,lagana Qariyay Qareenadii Difaacayay.waxa uu sheegay Inay  ugu baqayaan Shacabka,Xuukuumada iyo Caalamka in Saxaafadda loo raaco Xeerkooda uu Baarlamaanku Ansixyay.

Cabdiraxaam Cirro waxa uu ku dooday in Waxyaabaha ay Xukuumadai ay ku kacaysaa ay si Xun u dhaawacayaan Xuramadii ay Somaliland Caalamka iyo Gobolkaba ku lahayd.

Si kasba ha ahaatee dad badan ayaa si weyn u Saluugsan Habka ay Xisbiyada Mucaardka ahi uga Fal-celiyaan Tacadiyada iyo Hagar-daamooyinka ay Xukuumadu ka hayso Warbaahinta Dalka ka hawl gasha.

 

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA GUDOOMIYE CIRRO
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/gudoomiyeciiro25j.mp3″]
SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed