|

“Xukunka Maxkamada Waxa Lagu Raali-galinayaa Baashe Cawil Iyo Wasiirka Macdanta” Xog-hayaha Guud ee Solja {DHAGAYSO}

Maxamed-RashiidHargaysa:25,June,2014(SDN/QJ)- Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee Sollja,ayaa si kulul u Canbaareeyay Xukunka Maanta ay Maxakadamadda Gobolka Hargaysa ay ku riday Masuuliyiinta Wagayska Haatuf.Xog-hayaha UrurkaSaxfiiyiinta Somaliland ee Sollja Maxmed-Rshiid Muxumed Farax,oo warbaahinta la hadlayay ka dib markii uu soo baxay Xukunka lagu riday Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cige,ayaa sheegay Inuu yahay Xukunkani mid xataa aan ahayn  kii Ciqaabta ee Horeba looga qaylinayay.

Waxa uu intaas raaciyay in Xukunka ka Maanta ay Maxkamadau ku Raali-galinaysay Laba ka mid ah Dadkii soo Dacweeyay Wargayska Haatuf,oo ku sheegay inay kala Yihiin Wasiirka Macdanta Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale iyo Baashe Cawil,oo Madaxweyne Siilanyo Soddog u yahay.

Waxaana uu dhinaca kale ugu baaqay dhamaan dadka u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Caalamka iyo Gobolkaba inay si deg deg ah u soo faro-galiyaan Cabudhinta Ay Xukuumadda Somaliland ku hayso Xoryatul-Qawlka.

Waxa uu Maxamed Rashiid Tilaamay in  waxa maanta dalka ka dhacayaa ay yihiin waxa la mid ah Falalkii ay ku Kici jirtay Xukuumadda Siyaad-bare ee la riday.

Si kastaba ha ahaatee Xukunka Maanta lagu Riday Wargayska Haatuf ayaa ku noqday Guud ahaanba Saxaafadda Somaliland u qaadan waa iyo waxay liqi kari waayeen.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO CANBAARAYNTA SOLJA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/solja25j.mp3″]
SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed