Magaalo-xeebeedda Mombassa Oo Ammaankeeda La Xoojiyey Xilli ay Ka Sugan yihiin in Ka Badan 6000 Oo Macallin
Mombassa:June,25,2014(SDN/QJ)-Magaalo-xeebeedka dalxiiska ku qaniga ah ee Mombassa, ayaa Amaankeeda si weyn loo xoojiyey kadib weerarradii Habbeen hore ka dhacay deegaanada ku dhaw oo dad ku dhinteen.
Magaaladan ayaa Haatan waxa ku sugan in ka badan 6000 oo iskugu jira Maamulayaasha iskuulada kala duwan ee Dalka oo Kalluumaysi u jooga, kuwaas oo ay weheliyaan Ardayda dalkaas wax ka barataa.
Taliyaha saldhiga Booliiska kisauni ayaa waxa uu u xaqiijiyay maclimiinta in amankooda uu sugan yahay islamarakna aanay ka walaacin amnigooda .
Gudoomiyaha ururka ay ku bahoobeen maamulayasha dugsiayada sare joon awiiti ayaa wuxuu dhankiisa sheeagy in amaanka iyo waxbarashada ay yihiin kuwa isku xidhan .
Mr Awiiti ayaa waxa uu sheegay in haddii amaan daro ay jirto ay taasi carqaladayn karto habsami u socodka waxbarshada
SDN/QJ