Maayarka Magaalo Ku Taalla Maraykanka Oo Diiday In Dadka Somalida ah Dib-u-dejin Looga Sameeyo Magaalada uu Masuulka Ka Yahay
Springfield:June,25,2014(SDN/QJ)-Ninka Maayarka ka ah magaalada Springfield ee gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka ayaa ka horyimi in dadka somalida ah wax dib-u-dejin ah laga siiyo Magaalada uu masuulka ka yahay.
Ninkan oo Magaciisa la yidhaahdo Domenic Sarno, ayaa wasaarada arrimaha Gudaha ka cosaday inaan somalida laga aqbalin dalabyada ay dib-u-dejinta kaga codsanayaan Magaaladan uu masuulka ka yahay.
Domenic Sarno ayaa sidoo kale sheegay liiska duq magaalooyin badan oo dowlada hore ugu canaantay barnaamijka dib u dajinta sanadihii lasoo dhaafay, wuxuuna dalbaday in la joojiyo arintaasi.
Duqa magaaladaasi ayaa warqad qoraal ah u diray waaxda arimaha dibada ee Mareykanka , isagoo ku dalbanayay in qorshe cad laga keeno dib u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed ee magaalada Springfield.
Hadalka duqa magaalada ayaa yimid markii ay soo baxday qorshe ah 70 inka badan oo Soomaali ah oo la doonayo in la dajiyo sanadka xiga magaaladaasi, isagoo intaasi ku daray in ku dhawaad 380 qaxooti oo ka tagay dalalka Africa ay ku nool yihiin magaaladaasi.
Warqada oo uu u diray masuuliyiin kala duwan ayaa waxaa kamid ahaa gudoomiyaha gobolka Massachusetts Deval Patrick, wuxuuna sheegay in dalabkiisa uu ugu wacan yahay inuu doonayo in magaalada ay ku filnaanto meeleynta qaxootiga ku sugan magaaladaasi.
Soomaalida ka cararay dagaalada ka dhacaya dalka Soomaaliya ayaa badankooda waxay ku nool yihiin magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota iyo magaalooyin kale oo dalkaasi ku yaala.
SDN/QJ