|

Qaniiyadii Suarez,Xulal Ka Shubey Iyo Qaar Jarka Ka Laalaada.(By Jaahuur)

imagesCAWP80XXBrazil-24-June-2014-(SDN) Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxynu ku eegeynaa koobka kubadda cagta ee aduunka kana socda dalka Brazil iyo xulal ka shubay, qaar jarka ka laalaada,kuwa dhoola caddeynayaa iyo Suarez oo mar saddexaadkii qaniiyadiisii sii wata.

Akhyaartay koobkii kubadda cagta ayaa wareegiisii hore gabagabo ku dhaw oo aay ka soo qeybgaleen 32-ba dawladood,wareegga labbaadna waxaa foodda isla gali doona 16-ban.

Xulal aan la fileyn iney daaqadda ka baxaan ayaa ka huleeley oo aay ka mid yihiin Spain,Italy,Ingiriiska Japan,Cameroon,Ivory Coat iyo qaar kale oo jar ka laalaada.

Haddaba ciyaartii cajiibka ahayd ee dhxmartey  Uruguay iyo Italy waxaana ka soo qeybgaley dadweyne aad u badan iyo taageerayaasha labada dhinac.

Ciyaartan oo aad u xiisa badneyd Italy waxay u baahneyd Bar-bardhac oo kaliya Uruguay-na waxay ku qasbaneyd iney badiso,qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastey 0-0.

Qeybtii dambe ee ciyaarta Itaaliya waxay gashey difaac badan oo aan loo baahneyn,waxayna galaafatey in goolkii looga badiyey Uruguay dhaliso daqiiqaddii 90-aad+3,sidaana uu Talyaanigu ku galbado.

Haddaba maxaa dhacay dhamaadkii ciyaarta xiddigga reer Uruguay una ciyaara Liver Pool Suarez inuu garabka ka qaniino laacibkii difaaca uga ciyaarayey xulka Italy Giorio Chiellini horeyna dhacdadan oo kalana ku samameeyey horyaaladii hore ee Ingiriiska.

Bal aaynu eegno go’aanka aay Fifa ka gaadho.

W/qorey Jaahuur

SDN

jjaahuur@hotmail.com

Comments are closed