Weftigii Tagay Degmada Taleex oo Qarameeyay 300 oo Maleeshiyo ah, Iyo Gaadhi ay Ku wareejiyeen Cuqaasha Degmadaas.
Taleex 25.June 2014 (SDN/QJ)- Weftigii uu Hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Niskii danbe ee Xalay Gaadhay Degmada Xudun kadib markii ay ka soo Kicitimeen Dhanka Degmada Taleex ee Gobolka Sool.
Wasiirka iyo Weftiga balaadhan ee uu hogaaminayo Waxay wada hadal u fureen laba raas oo Shaqaaqo gacan ka hadal ahi dhex martay, Iyadoo labada Dhinac ee Shaqaaqadu dhex martay ay maanta sii ambo qaadi doonaan Wada hadalkooda.
Weftigu waxaa kale oo ay si rasmi ah u qarameeyeen sadex boqol oo askari oo ka mid noqonaya Safafka Ciidamada.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan ayaa ku wareejiyay Cuqaasha Degmada Taleex Gaadhi kuwa Booliska ah oo ka qayb qaadanaya hawlaha Sugida amniga .
Xubnaha ka Socday Golaha Xukuumada ee Somaliland waxaa kale oo ay soo booqdeen Ataarta Qadiimka ah ee Xeradii Daraawiishta ee Fadhiisinka u ahayd Sayid Maxamed Cabdule Xasan ee Magaalada Taleex.
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Sheegay in Xukuumada Somaliland ay ka Go’an tahay sidii ay Degmada Taleex u soo gaadhsiin lahayd dalka intiisa kale waxaanu Xusay inay ka hirgalin doonaan Mashaariic badan siiba kuwa Kaabayaasha Nolosha qaybta weyn ka qaata.
Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu ka dalbaday Bulshada degmadaasi inay wax la qaybsadaan Walaalahooda kale ee Somaliland.
Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan Waxa uu Waxgaradka Degmada Taleex u Cadeeyay In Ciidamadda Qaranka ay Deegaanka Taleex u yimaadeen si ay Garab u siiyaan bulshada u ooman nabada iyo waxqabadka
Qaar ka mid ah Madax dhaqameedka Degmada Taleex oo halkaasi ka hadlay ayaa Weftiga uga Mahadceliyay Imaatinka Degmada Taleex iyagoo balanqaaday inay hada kadib ka shaqayn doonaan horumarinta Degmadooda.
Weftigan Wasiirka Madaxtooyada Waxaa ku wehelinaya Wasiirada Arrimaha Gudaha,Biyaha,Wasiirul dawlaha Horumarinta Gobolada bari,Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada,Taliyeyaasha Ciidamadda Booliska iyo Asluubta,Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Qaranka.
Taleex SDN/QJ
contact@somalidiasporanews.com