Toban Ruux in ka badan oo Naftooda ku Waayay Qarax ka dhacay Gobolka Xeebta Kenya
Mpeketoni 24.June 2014 (SDN/QJ)- 11 ruux ayaa lagu dilay weerar koox hubaysan ay xalay ku qaadday tuulo lagu magacaabo Witu oo aan ka fogeyn deegaanka Mpeketoni ee gobolka xeebta ee dalka Kenya.
Guddoomiyaha degmada Lamu Steven Ikua oo warbaahinta u xaqiijiyey weerarka ayaa sheegay in ay ku hawlan yihiin baaritaan ku saabsan weerarka.
Toddobaadkii hore ayey aheyd markii inka badan 60 qof ay ku dhinteen weerar ay kooxda Al-Shabaab sheegatay oo ka dhacay deegaanka Mpeketoni.
Hase yeeshee madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in weerarkaas aysan Al-Shabaab ka dambeyn, balse uu la xiriiro arrimo qabiil.
Mpeketoni SDN/QJ
contact@qurbejoog.com