Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan Oo Sheegay Inuu Taageersanyahay In Xilka Laga Qaado Maayarka Degmada Gabiley.
Hargaysa: 24,June,2014(SDN/QJ)-Xildhibaan Cabdi Cawaale Caynaan,oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland,ayaa soo dhaweeyay Xil ka Xayuubintii ay Shalay Shaaciyeen Golaha Deegaanka ee Degmada Gabiley inay ku samaynayaan Maayarkooda.
Waxa sheegay in Xildhibaanu ay rabaan Horumarka Gobolka iyo ka Degmadda Maayarakana uu noqday mid ku fashilmay Hawlihii loo egmaday. “Waan ku taageersanahay talaabadaa ay ku dhawaaqeen,waayo Kooxdaasi(Xildhibaanada),waxay doonayaan Horumarka Gobolka.sidaasi darted ninkan Maayarka ka noqday meesha uu qaban waayay waxii laga filayay”. Ayuu yidhi Xildhibaa Caynaan
Dhinaca kalena waxa uu ugu baaqay Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland Md.Cali Maxamed Waran-cade,ianay Xaq e leeyihiin inay Cidii ay Doonaana Ridaan,cidii ay doonaana Doontaan.waxaana uu u soo jeediyay inuu Wasiirkuna ku raaco Talaabadaa ay Qaadeen,oo aanu wax Carqalada ah ku samayn qorshaha Xildhibaanu ku doonayaan inay ku ridaan Maayarka Magaaladda Gebiley.
SDN/QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com