“Waxaa nalaga dayn waayay Guddida joogtada ah goormaa la bedelayaa, way badalan yihiin,
Hargaysa: 24,June,2014(SDN/QJ)-Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta galay Fasax, bisha Barakaysan ee Ramadaan ee soo socota awgeed. Hadal Gudoomiyaha Golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan u jeediyey Mudanayaasha Guurtida ayuu ku faahfaahiyey waxyaabaha u qabsoomay intii Goluhu kalfadhigani shaqaynayay iyo waxyaabaha u hadhsan oo uu sheegay in Guddida Joogtada ahi dhamays tiri doonto.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in kulamo Wasiirada Xukumadda qaar kood ay la yeelan lahaayeen wali u hadhsan yihiin, kuwaasi oo la kulmi doona Guddida joogtada ah, warbixinta Guddida iyo wax qabadka Golahana la dhagaysan doono marka Goluhu fasaxa ka soo noqdo.
Waxa uu Gudoomiye Saleebaan Sheegay in la fulin doono codsi mudo badan Goluhu soo jeedinayay oo ku aadan wax ka bedel lagu sameeyo Guddida joogtada ah ee Guurtida, waxa uu sheegay in guddidaasi la badeli doono marka Goluhu fasaxa ka soo noqdo.
“Waxaa nalaga dayn waayay Guddida joogtada ah goormaa la bedelayaa, way badalan yihiin, waana la badalayaa marka la soo noqdo. Waxay sii shaqaynayaan inta Goluhu fasaxa ku maqan yahay” ayuu yidhi Gudoomiyaha Guurtidu.
Waxa kale oo sheegay udoomiye Saleebaan-gaal in Masuuliyiinta hadhsana ay u dhaafayaan Gudiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida.
Golaha Guurtida Somaliland,ayaa waxay door muuqata ku leeyihiin wax ka qabashadda Shaqaaqooyinka Beelaha dhex mara iyo Furdaaminta Khilaafyada Siyaasadeed,iyada oo dhamaan dhinacayada uu loolanku ka dhaxeeyaa ay Hawraarsan iyo gudoon kaga Jawabaan waxii xal loo arko ee ay soo go’aamiyaan.
Balse dhinaca kale waxa jira dad dhaliilo u soo jediya oo sheega inay mudo dhaaf yihiin iyo Odayadii Xulka ahaa ee dhidibada u taagay Golaha ay Wax dhintay iyo wax talo-gabay iskugu jiraan,meeshiina ay la wareegeen dad dhalin yaro ahi,oo aan Khibrad badan lahayn.
SDN/QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com