Qaramada Midoobay Oo Diyaarinaysa Qorshe Ilaalo Gaar ah Lagu Geynayo Xarumaheeda Ku Yaalla Deegaanada Puntland
Nairobi:June,24,2014(SDN/QJ)-Qaramada Midoobay ayaa ka warwarsan Ammaanka Xarumaheeda ay ku leedahay Maamulka Soomaaliyeed ee Puntland, waxana jira warar sheegaya in ciidamo gaar ah oo ilaalo ah la geyn doono Halkaas.
Qorshahan Qaramada Midoobay ku doonayso inay ciidamo ilaalo ah geystado Xarumahooda ku Yaalla Puntland ayaan wali si rasmi ah loo shaacin,balse Hadal Hayntooda laga Dareemayaa Xafiisyada Qaramada Modoobay Leedahay, maadaama ammaanka shaki badan laga qabo.
Si arrimahan looga wada hadlo ayaa madaxwaynaha Puntland loogu yeedhay magaalada Nairobi, iyada oo loo gudbinayo qorshaha UN-ka ee la xidbiidha sugida Amniga xarumaha ay Puntland ku leeyihiin, maadama cabsi laga qabo kooxda Al-Shabaab inay saamayn ku yeelato xarumahooda.
Dhowaan ayay ahayd markii Askari ka tirsan ciidanka Puntland uu si badheedh ah laba Sarkaal oo ka tirsan Hay’adda UNODC ugu toogtay garoonka diyaaradaha magalada Gaalkacyo, taasoo saamayn ku yeelatay Puntland gaar ahaan xidhiidhkii UN-ka iyo madaxwayne Gaas.
Jawaabtii ay Puntland arrintaasi ka bixisay ayaa noqotay mid qancin wayday QM, waxayna kaliftay in xarumaha ay Puntland ku leeyihiin si aad ah loo adkeeyo.
Xarunta QM ee magalada Garowe waxaa ilaalo gaar ah ka haya ciidamada Puntland kuwaasoo ku waardiyaynaya gaadiidka dagaalka maadama ay beesha Caalamku isha ku haysto Puntland iyo dhaq-dhaqaaqyada ka jira.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Cabdiweli Gaas uu la kulmayo saraakiil sar sare oo beesha caalamka ka socda, si looga wada hadlo qorshaha UN-ka ee dhanka amniga xarumahooda Puntland ku aadan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com