Kulan Gaar ah oo ay Addis ababa ku Wada Yeesheen Wasiiradda Arrimaha Dibada ee Somaliland iyo Ethiopia iyo Arrimo lagaga Wada Hadlay
Hargaysa 23.June 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Arrimaha Debeda ee Ethiopia, Tedros Adhanom Ghebreyesus iyo Wasiirka Arrimaha Debedda ee Jamhuuriyada Somaliland, Mohamed Bihi Yonis, ayaa manta kulan ku yeeshay caasimada Ethiopia ee Addis Ababa.
Qoraal Kooban oo uu Soo Saaray Siciid Cali Muuse oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland u qaabilsan isgaadhsiinta iyo xidhiidhka dadweynaha oo Nuqul ka Mid ahi Soo Gaadhay Shabakada Qurbejoog.com ayaa Lagu Sheegay in Kulankaas, oo ka dhacay xarunta Wasaarada Arrimaha Debeda ee Addis Ababa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland, M B Yonis, waxayna labada Wasiir ka wadahadleen, arrimo khuseeya xidhiidhka labada dal, gaar ahaan xoojinta nabada, gaar ahaan amaanka xuduuda labada dal. Xuduuda Somaliland iyo Ethiopia ayaa hada u xidhan arrimo xaga nabadgelyada ah iyo sidii argagixisada loola dagaalami lahaa, iyo amaanka Gobolkaba.
Warsaxaafadeedkan waxaa lagu sheegay oo kale inuu Jiro is-kaashi adkaynta nabada ah oo ka dhexeeya wadamada Somaliland la jaarka ah, sida Ethiopia iyo Djibouti.
Arrimaha kale ee Labada Wasiir maanta ka wadahadleen wax ka mid ahaa shirka soo socda oo ay labada wadan wada yeelanaya ee Bisha soo socta bilowgeeda ka dhacaya magaalada Dirir Dhaba ee Ethiopia kaas oo lagaga wadahadlaayo qodobo ay ka mid yihiin ganacisga iyo nabadgelyada, shirkaas oo ay ku kulmayaan gudiyo xaga farsamada ah.
contact@somalidiasporanews.com
Hargeysa-Somaliland