|

Hogaanka Dawladda Somaliya Oo Aqoonsaday Mid Ka Mid Maamuladda Koonfurta Somaliya Iyo Dhinicii Kale Oo Shir-qool Ku Tilmaamay Arintaasi

123Muqdisho: 23,June,2014(SDN/QJ Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu aqoonsaday Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka kooban Sadax Gobol oo kala ah Baay , Bakool iyo Sh/Hoose.

Madaxweynaha ,R/Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si isku mid ah u aqoonsaday Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka kooban saddex Gobol,

Aqoonsiga ay madaxda sare Dowlada aqoonsadeen ayaa dhalisay Khilaaf xoogan oo Dowlada dhaxdeeda ah, waxaana arintan si weyn uga soo horjeeda xubno katirsan Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Wasiirada iyo Xildhibaanada kasoo horjeeda aqoonsiga Maamulka Koonfur Galbeed ee ka kooban sadexda Gobol ayaa ku doodaya in aan wax la tashi ah lagala sameyn Wasiirada iyo Xildhibaanada kasoo jeeda Deegaanadaasi, waxa ayna tilmaameen in dadka degan Gobolka Sh/Hoose aysan waxba kala socon Qorshaha Maamulka Sadexda Gobol.

Waxaa sidoo kale arintan si weyn uga soo horjeeda Shirqoolna ku tilmaamay Xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Hawiye oo ku eedeeyay Madaxda Dowlada Soomaaliya in ay abuurayaan colaad hor leh iyo in la kala fogaado.

Maamulka Shabelle State ayaa dhankooda si weyn uga soo horjeeda qorshaha Dowlada Soomaaliya ay ku aqoonsatay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya , waxa ayna ku eedeeyeen in arintaasi uu ka dambeeyo R/Wasaaraha Soomaalya.

SDN/QJ-Muqdisho

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed