|

“Ethopia waxay Xidhay Xuduudkeedii,Djabouti waxay Xidhay Xuduudkeedii,Amni-darada Somaliland Lagu Eedaynayo Waad Arkaysaan…” Xog-hayaha Warfaafinta Ucid {DHAGAYSO}

yuuuuuuuHargaysa: 23,June,2014(SDN/QJ)-  Xog-hayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid,ayaa sheegay inay Bulshadda Caalamka  u gudbeyeen Tacadiyada ay Xukuumadu ku hayso Xisbiyada Mucaarad ka ah iyo Saxaafadda.waxaana uu ku tilmaamay tacadiyada soo noqnoqanaya ee Ay Xukuumaddu ku hayso Xisbigooda iyo Saxaafadda mid ka dhalatay Fashil Siyaasadeed oo la Daris ah Xukuumadda Haatan Hogaanka Dalka haysa.

Waxa uu sheegay in Maamul-Xumadda Dalka ka jirtaa ay sababtay in Wadamadda Jaarku ay Xidhaan Xuduudaha ay inala Wadaagaan.

Dhinaca kalena waxa uu sheegay inay Shalay oo u danbaysay Xay Xukuumadu ku xidhay Saldhiga dhexe ee Magaaladda Haragaysa  Xog-hayihii Ciyaaraha ee Xisbiga Ucid Md.Jiir,Qoraa,Siciid Maxamuud Gahayr iyo dad loo tirinayo inay Taageerayaal u yihiin Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Ucid.

Waxa kale oo Yuusuf Kayse Xog-hayaha Warfaafinta ee Xisbiga Ucid sheegay in inta Lacag lasoo siiyay dad dhalinyaro ah lagu soo amray inay isaga soo Waxyeeleeyaan,isaga oo taas ku tilmaamay inat tahay Cadceed sii dhacaysa.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA XOGHAYAHA UCID
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/yucid23.mp3″]
SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed