“Xamar Maalinba Suxufi ayaa lagu dilaa,Hargaysana Suxufi ayaa lagu Xidhaa” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble {DHAGAYSO}
Hargaysa: 23,June,2014(SDN/QJ)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,oo ka tirsan Xildhibaandda Golaha Wakiiladda,ayaa Xukuumada ku Eedeeyay inay iska dhago marinayso inay Ku Dhaqanto Xeerka Saxaafadda ee Barlamaanka Somaliland Ansixiyay,Madaxweynihii horena uu Saxiixay.
Waxa uu sheegay in Maalin kasta Xamar Saxafi lagu dilo,halka Hargaysa-na Saxafi lagu xidho.waxa uu sheegay Xeerka kaliya ee Saxaafaadda lagula dhaqmi karaa uu yahay kaliya Xeerka Saxaafadda ee Sharciga ah ee laysla ogyahay,waxii intaas dheerina uu yahay Sharci daro iyo wax aan lagu dhaqmi Karin.
Waxa uu Siciid Cilmi Rooble farta ku fiiqay in Hadii shrciga iyo Qawaaniinta dalka u taala lagu dhaqmi waayo ay taasi sababi doonto in ay meesha ka baxdo Sharciyada iyo kala danbaynta lagu kala socdaa.
Waxa uu tilmaamay inay Gole ahaan ay u yeedhi doonaan Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dalka,si wax looga weydiiyo waxa hortaagan ku dhaqanka Xeerka Saxaafadda Dalka.
Ugu danbayntii waxa Xildhibaanku sheegay in Hadii la tix-galin waayo Xeerarkii Madaxweynihii hore ka Maantana aan kuwiisa la Tixgalin doonin.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKII XILDHIBAAN SICIID
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SCilmi23.mp3″]
SDN/QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com