|

Xog-hayaha Arimaha Bulshada Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Oo Soo Faqay Tacadiyada Iyo Dhagaraha Xukuumadu Ku Hayso Xisbiyadda Iyo Saxaafadda

jaaaaHargaysa: 23,June,2014(SDN/QJ)- Xog-hayaha Arimaha Bulshadda  ee Xisbiga Mucaaradk ah ee Ucid, Md.Cabdiraxmaan Axmed Cali,ayaa Maanta Shir Jaraa’id oo ay  ku qabteen  Xarunta Xisbigaasi ee Magaaladda Hragaysa,ayaa kaga hadlay Tacadiyo iyo Hagar-daamooyin ay sheegeen inay Xukuumadu ku hayso Xisbigooda iyo Saxaafadda Madaxa-banaan ee Somaliland ka hawl gala.

Waxa uu sheegay inay  aanay u dul qaadanayn Tacadiyada ay Xukuumadu ku hayso Xisbigooda,isaga oo tilmaamay inay Cabashadooda u gudbiyeen Haay’adaha u dooda Xuquuqda Adaanaha ee Caalamka iyo kuwa Gobolkaba.waxa uu ku eedeeyay Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilanyo inay Sabab la’aan u xidh xidhayso Haweenkii bir-magaydada ahaa ee Xaq-dhawr iyo Tixgalinta ka mudnaa Umadda.

Dhinaca kalena waxa uu sheegay iany markay noqoto danta Qaranka ay liqayaan Tacadiyada Xukuumada oo ay ka horumarinayaan Ta Danta Guud.waxa kale uu ku baaqay in si deg deg ah Xoriyadiisii loogu soo celiyo Xog-hayahii Sport-ga ee Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee Ucid Md.Maxamed Muuse Jiir,oo Maalintii Labaad Sabab aan la garanayn ugu xidhan Xabsiga dhexe ee Magaaladda Hargaysa.

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed