AMISOM Oo Lahjad Adag Ku Dhaliishay Daayacaadda Ammaan Ee Dawladda Federalka Somalia
Muqdisho:June,23,2014(SDN/QJ)-Ninka Madaxa Siyaasadda ugu magacaaban AMISOM, Xaaji Ciise Maxamed, ayaa Qoraal uu soo saaray waxa uu ku dhaliilay Waxqabadka Hay’adaha Nabadsugidda ee Dawladda Federalka ee Somalia.
Qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in Ammaanka Magaalada Muqdisho uu yahay mid dayacan islamarkaana ay Alshabaab suura gashadaan inay fuliyaan fal waliba oo lagu dabar goynaayo Dowlada iyo shacabkeeda.
Masuulkan katirsan AMISOM ayaa tilmaamay inay ka walaac-san yihiin dilka joogtada noqday ee lagu hayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaaladda Muqdisho, wuxuu sheegay in maalin kasta la dilo dad aan waxba galabsan kowa dilana ay iska cararaan Hay’adah khuseeya amniga dalkana aanay muujinayn talaabo ay wax uga qabanayaan kooxaha falka sameeyay.
Xaaji Ciise ayaa sheegay dhanka kale in AMISOM, ay Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ka taageereyso sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Kooxaha falalka ammaan xumi ka geysta Magaalada Muqdisho.
‘‘Waxaa nasiib daro äh oo aan la qaadan karin ah in maalin kasta Magaaladda lagu laayo dad aan waxba galabsan, kuwa dilka gaystaaana ay isaga baxsadaan taasi waxay masuuliyad darro ku tahay dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaheeda qaabilsan amaanka”, ayuu yidhi.
Dhanka kale, Waxa uu Saraakiisha DFS ugu baaqay inay xaqiijiyaan Ammaanka inta ay Bulshada Soomaaliyeed ku guda jiraan Bisha Ramadaan, waxa uuna Tilmaamay inay diyaar dhankooda u yihiin Wax walbo.
Qoraalkan ayaa ah midkii ugu adkaa ee muddooyinkan dambe ka soo baxa saraakiisha AMISOM, Waxana ay taasi muujinaysaa in heerka ammaanka ee Somalia uu sii xumaanayo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com