GURIGII DHISMAHA SAFARADA SOOMALIDA EE IRAN TEHRAN OO LA IIBIYEY
WALALAYAL SALAN KADIB WAXAN RABAA HALKAN INAAN IDINKUSOOGUDBINO XOGTA KUSAABSAN GURYAHA SOMALIYA EE KUYAALA IRAN OO LA IIBINAYO MAALMAHA SOOSOCDA TAAS OO UU QAYBKAYAHAY IIBINTA GURYAHAAS UMMADA SOMALIYEED KA DHAXEEYA SAFIIRKA XILIGAN SOMALIYA UJOOGA IRAN MUDANE KHALIIF KADIYE MUUSE IYO CALI HAYDER OSMAN OO AH GACANYARAHA IYO XOGHAYA SAFARADA IRAN AY KULEEDAHAY KENYA TAAS OO AY HOOSTAGTO QUNSULIYADA IRAN AY KULEEDAHAY SOMALIA EE HADA KAFURAN MUGADISHO AGAGAARKA km4 UUNA MADAXKAYAHAY Mr ali abbadi
GURAYAHA SOMALIDA EE KUYAALA IRAN TEHRAN WAA LABA GURI OO WAAWAYN WAXAANA SOOMALIDA SIIYEY 1979 SHIIKH SAAYID OO AHAA BOQORKA IMAARAATKA CARABTA .DAWLADII SOMALIYA EE WAKHTIGAAS JIRTAYNA TAAS BEDELKEED WAXAY BOQORKA SIISAY BEER WAYN OO KUTAAL AFGOOYE OO LOOYAQAAN BEERTA SHIIKH SAAYID
GURYAHA SOMALIDA EE KUYAALA WAALABA GURI OO KALA AH GURIGA Safarada AMA SHaQADA KANA KOOBAN 3DABAQ IYO BEERWAYN IYO GURIGA HOYGA U AHAANJIRAY SAFIIRKA OO KA KOOBAN 5DABAQ
GURIGA HOYGA U AHAA SAFIIRKA HADA WAA KIRAYSNAYAHAY WAXAANA BISHII UU KUKIRAYSANYAHAY 10000$ IYADA OO LACAGTAAS UU QAATO SAFIIRKA SOMALIYA UFADHIYA IRAN MUDANE KHALIIF KADIYE MUUSE OO SIDAAN OGNAHAYNA AANAY DAWLADA SOMALIYA WAX MUSHAHAR AH SIININ
HALKA GURIGA KALE EE AHAA XAFIISYADA SAFARDA UU DAGANYAHAY SAFIIRKA IYO XAASKIISA IYADA OO SIDA LAWADA OGYAHAY AANAY JIRIN SHAQAALO AMA DIPLOMCIYIINKALE OO KUWEHELIYA SAFARDA SAFIIRKA SOMALIYA .MARKA LAGA REEBO NIN HADA 2WIIK JOOGA OO QAYBTA GANACSIGA LOOSOOMAGACAABAY INTAAN KA WARQANBO HADAAN NAHAY JAALIYADA SOMALIYEED EE IRAN
HADABA IYADA OO DHAWRJEER OO HORE LA ISKUDAYAY IN SAFARADA LA IIBSADO AYAA AYSAN SUURTAGALIN IYADA OO MARKII UDANBAYSAY AHAYD 3SANOKAHOR TAAS OO AY JAALIYADA SOOMAALIYEED QORSHAHAAS FASHILISAY KADIB MARKAY MAXAKAMAD IYO WAKHTIBADAN GALISAY IYADA OO QARASHBADANA UGA BAXAY JAALIYADA DIFAACIDA HANTIDAA UMMADA SOMALIYED KA DHAXAYSA
HADABA WAXAA MAALMIHII UGUDANBEEYEY JIRAY DEDAALO IYO JUHDI AY WADEEN KOOX ISBAHAYSATAY OO KALA AH SAFIIRKA SOMALIYA EE IRAN MUDANE KHALIIF KADIYE MUUSE .XALI HAYDER OSMAN OO AH GACANYARAHA SAFIIRKA IRAN EE KENYA IYO KOOX KATIRSAN SIRDOONKA IRAN.OO XIRIIR LA LEH LABADAAS NIN IYADA OO LARABO IN MARKAN LAGU IIBIYO SAFARDA MAGACYO IYO WARQADO LAGASOOSAXIIXDO MADAXDA SOMALIYA .WAXAANA LABA WIIK KAHOR MUGADISHO TAGAY CALI HAYDER OSMAN OO KATAGAY NAIROPI SI UU HAWLAHAS IYO WARQADAS USOODHAMEEYO.HALKA UU SAFIIRKA HALKAN EE KHALIIF KADIYE MUUSENA UU SHIRAR KULAJIRO GANACSATO IRANI AH IYO SHIRKADO GANACSI SI UU UUGU QANCIYO IN AY KA IIBSADAAN DHISMAYASHA LAKIN JUDI SHEER OO JAALIYADU BIXISAY WAXAAN KUGUULAYSANAAY INAAN KA DHAADHICINO GANACSATADA IYO SHIRKADAHA UU LASHIRAY MUDANE KHALIIF KADIYE MUUSE IN AYSAN KUDAGDAGIN HAWSHAAS
HADABA GURYAHAN AYAA WAXAY MAGAALADA TEHRAN UGUYALAAIIN AAGA UGU QAALISAN TEHRAN OO AH WAQOOYIGA TEHRAN AHNA AAGA AY KUBADANYIHIIN SAFARDAHA AJANABIGA AH EMBASSY ZONE IYO DADKA MAALQABEENADA AH
GURIGA SAFARADA WAXAY KUTAALAA SHARIATI ZONE WAXAYNA KUXIGTAA GURIGA SAFARDA FINLAND.HALKA GURIGA HOYGA SAFIIRKA AHANJIRAYNA UU KUYAALA SAFARINIYAH ZONE WUXUUNA KASOOHORJEEDA GURIGA SAFIIRKA KUWEITI UFADHIYA TEHRAN.QIIMAHA GURYAHAN WAXA UU JOOGAA 50000000$
IYADA OO MEELAHA UGUFIICAN EE STRATEGY ISKUXIRTA DHAWR WADO OO MUHIM AH AY KUYAALIIN HADABA MUDANE KHALIIF KADIYE MUUSE IYO GROUPKIISU WAXAY RABAAN INAY KU IIBIYAAN 15000000$ SI AYSAN DADBADAN U OGAANIIN ARRINTAN SUUQANA UGALIN
WAXA XUSID MUDAN IN MUDANE KHALIIF KADIYE MUUSE UU QAYB JAALIYADA SOMALIDA KAMID AH OO AY ISKUFIIICANYIHIIN USHEEGAY IN Dr doodishe oo ah xubin muhiim ah oo katirsan dawlada somaliya uu hawlaha sifiican ulawado.lakin anaku hadaan nahay jaaliyada soomaliyeed taas wax cadayn ah uma hayno marka lagareebo sheekashada uusheegtay mudane khaliif iyo iyada oo isku family hoose iskuyihiin mudane khaliif kadiye muuse iyo Dr doodishe.marka lagareebo xiriiro dhexmara labadas masuul taas oo aan ognahay .Waxa kale xusid mudan in mudane khaliif kadiye muuse uu kamid ahaa dadkii safarada somaliya ee wadanka Kenya kutaalay wax ka iibiyey sanadkii 1991 .iyada oo sidoo kale safiirkii wakhtigaas iibiyey safrada somaliya ee Kenya iyo mudane khaliif ay yihiin family hoose uu wakhtigaas kusugnaa Kenya nairopi isagoo kamid ahaa shaqaalaha hoose safarda ee wakhtigaas sihoosana ulashaqaynjiray safiirkii wakhtigaas ee somalida kenya ufadhiyey
Hadaba jaaliyada soomaliyeed ee iran oo aan badnayn marka loo eego jaaliyadaha somaliyeed ee aduunka kuyaalaa una badan ganacsato iyo arday waxay wakhtibadan kubixisay siday ubadbaaduinlahayn hantidaa ummadada soomaliyeed kadhaxaysa ee dadgaara ay rabaan inay sigaara u isticmalaan iyada oo dhibaatooyin badan oo haysta jaaliyada sooomaliyeed ay jiraan hadana marwalba waxaan udiyaarnahay sidaan ubadbaadinlahayn hantidaa ummada soomaliyeed
Waxan idinka codsanaynaa dhamaan dadka soomaliyeed iyo qofwalba oo hela warbixintayadan inuu waxii awoodiisaa kaqabto sidii hantidaa lagubadbaadinlahaa iyada oo aytahay masuuliyad qaran oo dhamaanteen ina wadasaaaraan waxana sigaar ah uga codsnaaya dhamaan hayadaha dawlada somaliya ee ay arrintani khusayso inay gacankagaystaan sidii loobadbaadinlaha hantidaa ummada soomaliyeed ay dibada kuleedahay .maadaaba macnaha dawladniadu ay tahay badbadinta, ilalainta dhulka ,dadka iyo danaha qaranka soomaliyeed hadii taas lawaayana aysan macnobadan samaynayn sheegashada magacga dawladeed.iyadoo aan ogsoonahay in wiikii hore markab wayn oo ganacsato soomali ah u rarnaa shidaalna usiday dubai inay ciidamada iran kasooqabteen bada udhaxaysa iran iyo dubai iyagoo ku eedeeyey inay shidaal tahriib ah ay iibsadeen wateena iyada oo markabkasi ay saarnaayeen 13shaqaale Somali oo dhamantood ay kujiraan ilaahada xabsiyada iran iyada oo hantidii iyo markabkii ay lawareegeen ciidamada badda iran iyada oo ay ahayd masuuliyada safarAda soomaliyeed inay dadkaas udoodo qareena uqabato maadaba ay somaliyihiin hanti soomaliyeedna saarantahay siloobadbaadiyo xitaa haday danbiilayaal yihiin lakaiin taas wax kafog ay samaynayso safarada .iyada oo jaaliyada somaliyeed hada hawshaas kujirto sidiin ay uguyaraan dadkaas somaliyeeed waxii xaqooda ah usoocelinlahayd
Waxa kaloo jiraa in doonyo boqolaal gadhaya oo iran lagaleeyahya ay sanadwalba xeebaha soomaliya kaluumaysi sharciddarro ay kasamaystaan ooo malaayiin doolar ay kafaaiidaan ayna dhacdo marmarka qaarkood in kooxaha somalida lashaqaynaya ay iran uyimaadan si waxa commisionka ah ee ay kuleeyihiin oo aan dhamayn xitaa 10% ay ugahelilahayeen kaluumaysata iran lakin taas bedelkeed marka ay yimaadan iran xarig iyo handada la isugudarro
Iyada oo hadda dad 40dhalinyaro somaliyeed hawshaas dardeed xabsiyo iran ah aykujiraan aysan helin wax cadaalad ah iyada oo masuuliyada safiirka ay ahyad inuu qareen uqabta udoodo dadkaas waxwalba oo ay yihiin iyo danbikasta oo ay galeenba haduujiro waa muwaadiniin soomaliyeed xaqna u leh in loodoodo lana difaaco.si uu uhelo xaqa uu haysto ka isaga lamidka ah ama ka danbiga badan ee iraniga ee iskudarsaday dhaca khayraadka soomaliyeed iyo dhibka dhalinyaradaasba
Waxa xusid mudan in xitaa dhalinyarada wakhtiga xabsigu udhamaado laga qaado lacag 4000$ midkiiba taas oo mudane khaliif kadiye muuse usheego in loogudhamaynayo waraqada go home ah iyada oo dadkaas xabsiga labada sano ama sanadka kujiray marka ay kasoobaxaan xabsiga ay lacagtaas ku khasbanyihiin in familykoodii ay soobixiyaan taas oo aan ahayn dhaqan ay kujirto masuuliyad
Hadaba jaaliyada soomaliyeed oo arrimahas oo dhan si iskeed isugu xilsaartay iyada oo ana wax caawinaad ah kahelin safiirka somaliyed wax badana kaqabatay ilaa hadana kugudajirta ayaa waxaa kusoobiirtay hawshan ah iibinta hantida soomaliyeed taas oo soolaba kaclaysay laba todobaad kahor.iyaga oo markan u arka fursad ay uga dhaadhicinkaraan ganacsatadada iran in guriyahan lagu iibinayo amar kasoobaxay madaxtooyada somaliya sida uu usheegay mudane khaliif kadiye muuse ganacsatada iran oo lakulmay.iyada oo uu cali hayder osman jooga hadda magaalada mugadisho si uu warqadahaas usooqaado kulamana ay kuyeesheen mugadisho madaxkala duwan oo katirsan wasaarda arimahada dibada somaliya .kulamadaas oo dhamaantood arrintan aan kor kusoosheegnay kusaabsan
Hadaba iyada oo ay jirto dhibkaas iyo mid kabadanba oo haysta bulshada soomaliyeed ee aduunka kunool ayna sabab utahay dawlad la aanta iyo macnaha dawladnimo oo dadbadan oo masuuliyad dawladeed haya aysan fahansanayn waxaan dhamaan saxaafada madaxa banana ee soomaliyeed kawada codsanaynaa inay qayb muhiim ah kaqaataan difaacida hantidadaa ummada soomaliyeed leedahay iyaga oo samaynaya baadhitaan madaxbanan aruurinaya xogta rasmiga ah hadaan nahay jaliyada soomaliyeed ee iran dagana waxaan diyaar unahay inan ufududayno saxafaada waxwalbo oo aynooka bahato sida fiisaha iran iyo waxii lamid ah oo kale
Waxan kaloo kacodsanaynayna qofkasta oo soomaliyeed inuu qaybta uga adan badbaadinta hantidan uu kaqaato iyada oo aan ogsoonahay inay hantida qarankutahay wax dadka kawada dhaxeeya oo guud qofna ama groupna xaq ulahayn inuu si iskii u isticmaalo hantidasa guud
Mahadsanid
Abduqadir Mohamed ciise
tellĀ 00989139121996
Gudoomiyaha gudiga ganacsatada ee jaaliyada ahna gudoomiyaha guud ee jaaliyada wakhtigan