|

Wariyayaal Ka Dareeray Tv-ga Madaxa-banaan Ee Somaliland Space Channel Kuna eedeeyay Maamulka Tvga in Hanti Xukuumadu Siisay uu Ku Curyaamiyay Hawlihii Shaqo Ee Saxafiyiinta

daacadHargaysa:22,June,2014(SDN/QJ)-shan wariye oo ka tirsanaa Tv-ga madaxa-banaan ee Somaliland Space Channel,ayaa sheegay inay iska tageen Shaqadii ay ka hayeen Tv-ga,ka dib markii uu Maareeyaha Tv-gaas oo Gacan saar la yeeshay Xukuumadda uu kula kacay Tacadiyo ka baxsan Nidaamkii Shaqada iyo Shaqaalaha.

War Qoraal ah oo ay soo Saxafiyiintaa oo isku jira Afar Inan( Wiilal) iyo Nin(gabadh),oo  kala ah :

1:c/qaadir maxamed xasan

2:idiris ismaaciil cabdi

3:khadar muuse cali

4:maxamed ismaaciil salaan

5:hilaal maxamed axmed,oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakadda Wararka Caalamiga ah ee Qurbejog.com ayaa waxa uu u dhignaa sida tan: “waxaa maalmihii udanbeeyay si isdaba jooga shaqadii ay uhayeen uga dareeray masuuliyiin iyo wariyayaal kahawal galaayey TV GA madaxabaan ee somaliland space channell kadib markii ay ka gadoodeen heshiis uu maareeyaha TVgaasi maxamed muuse xasan uu lagalay xubno ka agdhow madaxtooyada soomaliland oo masuul ka ah meelo kamida warbaahinta dawlada,

heshiiskan kadib ayaa shaqaalaha TVga somaliland space chanell uu maareeyahoodu uu faray in aan labaahin wararka axsaabta mucaaradka,  Siyaasiyiinta Madasha wadatashiga iyo Toosinta qaranka somalind,  inaanan labaahin wararka Udoodaya Gudoomiyaha xidhan ee Wargaysa haatuf yuusuf cabdi gaboobe, in lagu sameeyo waxkabadal iyo jarjaris cidkasdoo dhaliilaysa dawlada uu hogaamiyo axmed siilaanyo.

Qaarkamida shaqaalaha somaliland space chanell ayaa ka gadooday oo shaqadii ay uhayeen Tvgaasi katagay kadib markii ay u adkaysan waayeen cabudhin Toosa oo lagu amray inay Fuliyaan  xubno Wasiiro iyo masuuliyiin kale ah oo katirsan xukuumada siilaanyo  iskuna hayb yihiin Maareeyaha TVga somaliland space channel maxamed muuse xasan, Taasi oo ay xubnahaasi Olole adag ugu jiraan sidii TVgaasi uu jeebada dawlada uu ugu dhici lahaa una fulinlahaa danaha gaarka ah ee masuuliyiinta dawlada.

Maxamed muuse xasan oo ah maareeyaha TVga madaxa banaan ee somaliland space channell Ayaa loo Saxeexay dane Gaara iyo dane dhaqaale oo lagu cabudhinayo Xoriyatil Qawlka tani oo sobobtay inay isaga dareeraan qaar kamida masuuliyiinta iyo wariyayaal kamida TVgaasi,, Somaliland space channel ayaa aha TVgii ugu horeeyay ee laga hirgaliyo somaliland se uu Ragaadiyey maamul xumo iyo masuuliyiin dane gaare leh oo cid danleh u adeegaysa  jeebkooda kudhaca”

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed