Ninkii Xijaabka Xidhnaa Ee Xalay Hargeysa Lagu Qabtay Oo Noqday Sarkaal Ka Tirsan Shirkadda Dahabshiil
Hargeysa:June,22,2014(SDN/QJ)-Ninkii ay habeenkii xalay shacabku ku qabteen Magaalada Hargeysa oo ciidanka Boolisku gacanta ku qabteen, ayaa la sheegay inuu noqday Sarkaal ka tirsan Shirkadda Xawaaladda ee Dahabshiil.
Sida ay sheegayaan wararka ay helayso Qurbejoog.com, waxa uu ninkaasi noqday muwaadin u dhashay Caasimadda Hargeysa, kaas oo si rasmi ah uga tirsanaa Shirkadda Dahabshiil, isla-markaana aan wax dhibaato ah hore loogu aqoonin oo si caadi ah uga shaqaysan jirey mid ka mid ah Xarumaha shirkadda Dahabshiil ku leedahay Magaalada Hargeysa.
Wararka aanu Hayno ayaa intaas ku daraya in ninkaasi xalay xijaabka lagu qabtay uu Shalay si caadi u tegay Goobtiisa shaqo, isla-markaana uu soo dhamaystay Shaqada oo uu xilligii caadiga ahaa ka rawaxay, balse Markii saldhigga la geeyey si rasmi ah loo aqoonsaday.
Baadhitaanka sababta ninkan ku keentay inuu xijaab xidho ayaa wali ka socota xarumaha Hay’adaha Dambi-baadhista ee Hargeysa, waxana wali la is weydiinayaa sababta keentay inuu xijaabkaas xidho ninkaas shaqaalaha shirkadda Dahabshiil ka tirsan ahi.
Saraakiil ka tirsan hay’adaha Dambi-baadhista ayaa Qurbejoog.com u xaqiijiyey inuu ninkaasi ka tirsan yahay Shirkadda Dahabshiil, isla-markaana aanay wali jirin wax dhibaato ah ama shaki argagaxisonimo ah oo ay arrintiisu lugaha la Gashay.
Ninkan ayaa markii gacanta lagu dhigay ay dadku u qaateen inuu Hawlo argagixisonimo faraha kula jirey, balse Markii la aqoonsaday, isla-markaana la ogaaday inuu yahay nin ka Shaqaysta Shirkadda Dahabshiil, ayaa uu fikirkaasi Is beddelay, waxana jira Warar is khilaafsan oo ka soo Baxaya Sababta ku kalliftay Inuuk u labisto dharka u gaarka ah Haweenka.
SDN/QJ-Hargeysa