“Waxaan la yaabay Dawladahan Caalamka ee ka qaylinaya Ciidamada aynu u sameynayno in ay ilaaliyaan Shirkadaha Shiidalka badhaya”.Wasiir Waran-cade {DHAGAYSO}
Hargeysa: 22,June,2014(SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jamuuriyada Somaliland,ayaa Maanta hortagay Golaha Guurtida Somaliland,si ay uga war bixiyo Wax qabadkii Wasaardiisa intii uu gadh-wadeenka ahaa.
Waxa Wasiir Waran-cade sheegay inay si weyn uga shaqeeyeen Kobcinta iyo kor-qaadista Amaanka Guud ahaanba Dalka,oo ay qeyb ka qaateen Xalinta Shaqaaqooyinka dhexmaray Beelaha Somaliland.
Dhinaca kalena waxa uu sheegay inay aanay Somaliland ogolaanayn in Baasaabor aan la Aqoon Cid bixisa iyo Halka lagu bixiyaba in Dalkeeda lala soo galo.
Waxaana uu Wasiirku Daboolka ka Qaaday oo Sheegay in Sanadkan Xajka lagu tagidoono E-pasaport Cusub Jamuuiyada Somaliland oo dhawaan ay Soo dabaceen.
Waxa kale oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland uu Qaar ka mid ah hay’adaha Waddanka jooga ku eedeyey in dalka ka wadaan Nabadgelyo Darro iyo Basaasnimo.
“Waxaan la yaabay Dawladahan Caalamka ee ka qaylinaya Ciidamada aynu u sameynayno in ay ilaaliyaan Shirkadaha Shiidalka badhaya”.ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha Jamuuriyada Somaliland.
.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO WARBIXINTII WASIIR WARANCADE
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WarancadeGuurti22j.mp3″]
SDN/QJ-Hargaysa