|

Sadex ka Mid ah Kooxda Alshabaab oo Xalay lagu dilay Degmada Ceel buur

Gal Gaduud 22.June 2014 (SDN/QJ)- Saraakiisha ciidanka dowladda ee degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in xalay ay dileen saddex ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab, oo soo weerartay saldhig ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degmada Ceelbuur.

Taliyaha ciidanka dowladda Soomaaliya ee degmada Ceelbuur, Maxamed Kaahiye Caraale oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in jab xooggan ay gaarsiiyeen kooxda Shabaab ee weerarka soo qaaday, ayna  kala wareegeen hub ay ka carareen.

Wuxuu tilmaamay in maleeshiyadu ay horey usii qaadatay dhowr kale oo ka dhaawacmay.

Maxamed Kaahiye ayaa xusay inay hayaan meydadka saddexda ay ka dileen maleeshiyada soo weerartay saldhigga.

Wuxuu tilmaamay in dhankooda wax khasaare ah uusan soo gaarin, ayna ku raad joogaan maleeshiyada Alshabaab ee weerarka soo qaaday.

Gal Gaduud SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed