Gunaanadka Shirkii Qurbejoogta Somalida uga Socday Istanbul oo Maanta ku beegan
Istanbul 22.June 2014 (SDN/QJ)- Shirka qurba-joogta Soomaalida uga socda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo ay ugu hadlayaan midnimada iyo xoojinta doorkooda dib u dhiska iyo nabadeynta dalka ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gabagabeeyo.
Shirka oo ay ka qeyb galayaan 100 xubnood oo Soomaali ah oo ka kala socda 16 dal ayaa gabagabada lagu wadaa in lagu soo doorto guddi hoggaan u noqda qurba joogta Soomaalida, si ay u muujiyaan kaalinta uga aadan dalka.
Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Receipt Dayib Urdugan ayaa la sheegayaa inuu casuumay xubno ka tirsan ka qeybgalayaasha shirka, isagoo kala hadli doona sida leysaga kaashan karo ka shaqeynta horumarinta iyo nabadda Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Ahmed Davut Oglu ayaa si ramsi ah shalay u furay shirka qurbo-joogta Soomaalida ee ka dhacaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Istanbul SDN/QJ
contact@qurbejoog.com