|

Hogaamiyaha Ikhwaanka Masar oo mar kale Dil lagu xukumay

Qahira June 22, 2014(SDN/QJ)-Makamad ku taal dalka Masar ayaa mar kale dib ku xukuntay 180 ruux oo uu ku jiro hogaamiyaha Xarakada Islaamiyiinta ee Ikhwaanka Macamed Badie oo taladii dalkaa laga tuuray.

Maxkamada ooh ore hogaamiyaha dil ugu xukuntay ayaa waxa ay goaankeeda u gudbisay Mufdiga dalka Masar si uu uhubiyo in sharciga la waafejiyay.

Mufdiga ayaa deeto maxkamada denbiileyaasha ee Mina oo ku taal Koonfurta dalkaasi dib ugu celiyay dhegeysiga dacwada.

Maxkamada ayaa Hogaamiyaha Ikhwaanka uyi 180 ka kale ee lala xukumay ku eedeysay in ay ku lug lahaayeen xero Booliis oo Mina ku taal oo la weerary xiligii lagu gudo jiray dibedbaxyadii xilka looga tuuray dawldii Ikhwaanka ee uu hogaaminayay Maxamed Morsi.

Maxkamada ayaa sidoo kale dii deysay 400 oo ruux oo kale oo lagu waayay wax cadeymo ah in ay ku lug lahaayeenweerarka Booliska.

SDN/QJ-Qahira

contact@qurbejoog.com

Comments are closed