|

Sarkaal Xoogga Dalka Somalia Ka Tirsan Oo Habeenkii Xalay Dhaawac Culus Loogu Geystay Mugdisho

Muqdisho:June,22,2014(SDN/QJ)-Kooxo Hubaysan oo aan Haybtooda la aqoon ayaa habeenkii xalay dhaawac culus u geystay Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka Somalia.

???????????????????????????????Sarkaalkan oo lagu magacaabo Gaashaanle Cali Maxamed Geedi, ayaa waxaa lagu dhaawacay meel aan sidaasi uga fogeyn Isgoyska Fagax ee Degmada Yaaqshiid.

Ragga Khasaaraha gaadhsiiyey Sarkaankan, ayaa waxay dhowr xabadood qaybaha kore kaga dhufteen Sarkaalkan, waxayna goobtaasi uga taggeen meyd ahaan, iyagoona ay u suurta gashay inay baxsadaan.

Ciidamada ammaanka oo markiiba gaadhay Isgoyska Fagax, ayaa waxay ka qaadeen dhaawaca Gaashaanle Cali Maxamed Geedi, waxayna u qaadeen goobaha caafimaadka.

 

Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid ee Maamulka Gobolka Banaair Cismaan Maxamed Caddaawe, ayaan wax war ah ka soo saarin dhaawaca SarkaalkaXalay loogu geystay Yaaqshiid.

 

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed