Somalia, Syria iyo Iran Oo Hoggaanka u Haya Waddamada Wariyayaasha Lagu Dhibaateeyo
London:June,22,2014(SDN/QJ)-Muddadii Shanta Sano ahayd ee ugu dambaysay, Waxa ay Hay’adda U Doodda Warbaahinta Caalamiga ah ee CPJ Sheegeen in 404-Wariye Lagu Qasbay inay ka cararaan Guryahooda ama dalalkoodaba.
Waddamada ay ka carareen wariyaashaasi ayaa la sheegay inay ugu horeeyaan Iran, Syria, Somalia, Ethiopia iyo Eritrea, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hay’ada badbaada saxafiyiinta ee CPJ.
“In wariyaasha lagu qasbo ka haajirida qalalaasaha iyo cabsi gelinta waa hab ka hor imaanaya xorriyada hadalka”sidaasi waxaa tidhi Maria Salazar-ferri agaasimaha CPJ ee taageerada barnaamijyada.
Waxay sheegtay in wariyaasha lagu qasbo inay isaga cararaan guryahooda iyo qoysaskooda sabab la xidhiidha iyaga oo la kulmaya dhibaatooyin kala duwan oo dhanka shaqada ah.
Sababaha ay wadamada Somalia, Syria iyo Iran ay uga cararaan wariyaasha ayaa lagu kala sheegay Iran oo ah wadanka ugu xidhitaanka badan wariyaasha ka shaqeeya dalkaasi.
Syria oo lagu tilmaamay wadanka ugu khatarta badan oo ay wariyaasha ka shaqeeyaan, iyo Somalia oo lagu sheegay wadanka dilalka ay kala kulmaan wariyaasha ka dhex shaqeeya ayaa kaalmaha hore ku jira.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com