Wasaaradda Beeraha oo Guul ka Gaadhay Tijaabadii Beerista Tufaaxa {DHAGAYSO+SAWIRO}
Hargaysa 22.June 2014 (SDN/QJ)- Wasaaradda Beeraha ee Somaliland ayaa ku Guulaysatay Tijaabo ay ku samaysay Beerista Geedka Tufaaxa oo ay eegaysay sida uu Cimilada Somaliland uga bixi karo.
Tufaaxa oo ka mida ah Cuntooyinka inooga yimaada dalalka dibada ayaa Wasaaraddu waxay Tijaabadiisa ka Hirgalisay Xarunta Qasriga Madaxtooyada ee Somaliland kaas oo ay ku guulaysatay .
Wasiirka beeraha oo ay Weheliyaan Xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa soo dhaweeyay Talaabadan Wax ku oolka ah.
Wasiirul dawlaha Gobolada Bari Mudane Cali Xasan Maxamed Cali Sandule ayaa sheegay in Wasiirka Beeruhu uu Hawl qabad baaxadleh ka fuliyay Gobolada bari waxaanu ka Codsaday inuu Geedka Tufaaxa Geeyo Gobolada bari ee Somaliland.
Wasiirka Wasaarada Biyaha ee Somaliland Xuseen Axmed Cabdulle ayaa dhankiisa ka sheegay in talaabadan ay wasaarada beeruhu ku hirgalisay tijaabada Geedka Tufaaxa ay tahay talaabo ku dayasho mudan.
Wasiirka beeraha ee Somaliland Prof Faarax Cilmi Geedoole oo Gaba gabadii halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in Geedka Tufaaxa ay Tijaabadiisii ku ogaadeen inuu ka bixi karo gobolada kale ee dalka .
Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Pro Faarax Cilmi Geedoole oo gudanaaya waajibaadkiisa shaqo ayaa waxa uu beryahanba ku hawlanaa sidii dalka looga beeran lahaa Cuntooyinka kala Duwan ee inooga yimaada Dalalka Jaarka iyo Dunida inteeda kale.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALADII MAS’UULIYIINTA SOMALILAND
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Tufaax22j.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ