|

Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Ucid Finland Oo Cabaareeysay Xadhiga Ay Xukumadu Kula Kacdey Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ucid Ee Heer Qaran

Finland 21.June 2014 (SDN/QJ)- Godomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Ucid ee Waddanka Finland  Marwo Samia Omar H. Muse ayaa Cambaareysay Xadhigi Xukumada Silaanyo ay kula kacday Godomiyaha Garabka Haweenka Ucid Hargeisa Marwo Xaliimo Cismaan Raage oo ay ciidamada Booliska Somaliland Xabsiga u Taxaabeen.

Godomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Ucid ee Waddanka Finland  Marwo Samia Omar H. Muse sidasi waxay ku sheegtay war saxaafadeed ay  ka soo saartay waddanka Finland oo nuqul ka mid ahi Waaheen soo gaadhay waxaano quraalku u dhigna sidan

Waxaan Cambaraynaya Xadhiga lagula kacay Godomiyaha Garabka Haweenka Ucid Hargeisa Marwo Xaliimo Cismaan Raage ,  Waxaan la yaabanahay waxaan dawladi dhamayed ku diray Haweenki Xisbiga Ucid iyo waliba Saxaafada madax bannaan ee Haatuf ???? Dawladi dhamayed waxay noqotay wax la layaaban yahay sannadkan maanta ah!!!!!! Yaa se ka danbeeya waxan maanta dhacaya ????

Anigu ah Godomiyaha Garabka Haweenka ee Finland  Marwo Samia Omar H. Muse waxaan aad iyo aad oga xumahay falkan aadka o xun ee lagula kacay Godomiyaha Garabka Haweenka Ucid Hargeisa Marwo Xaliimo Cismaan Raage, Haweenay sharaf mudan oo nolol maalmeed keedi ku guda jirta in xabsi loo taxaabiyo oo waliba jir dil loo gaysto wallaahi waa ayaan darro maanta haysata Xukumadda maanta talada haysa.

Waxaan kale ka xumahay cadaalad darida iyo eexashada shalay ka dhacday maxkamadda Hargeisa ee  la horkeenay Yuusuf Cabdi Gaboobe Guddoomiyaha Wargeyska HAATUF oo ay dacwad u haystaan dadka magaca Xukumadda talada haysata ay wataan, oo waliba nin xeer illaaliye ah  ku yidhi cagta hoos teeda ayaanu ku galin doonaa!!!! Ma waxa la odhan kara waa maxkamad mise waa guri oo qof leeyahay oo sidii oo doonu dadka ugu hanjabi karo.????!!!!

Xukumadda maanta talada haysa waa tii shalay si sharaf leh ah wax loo gudoon siiyay ee haddi maanta ay daashay oo taladi ay gabtay maaha inay shacabka iyo haweenka ay jir disho oo waliba ay cabudhiso.

Maanta Somaliland qofki hadla amaa wax sheegta waa lala kacayaa waana wixii lagu eedayen jiray xukumadaha Digtaatoriga ah , mana haboona in dadka sidaas loo galo.

Waxaan halkan ka sheegaya anigu qof xur ah oo waddan xor ah dagan ayaa intaa cabudhis iyo aflagaado  iiga timaada niman magaca wata Xukumadda maanta talada haysa , laakin Alxamdulillah waddan sharci leh ayaan jooga , Waxaanan idiin sheegaya qof walba waa xur wixii dhibayana wuu ka hadli karaa ee meherad yeesha, oo dhibaatada idin haysata horta xaliya intaad dadka sharafta leh aad wax k sheegaysaan .

 

 

 

Somalaliland maanta uma baahnaa wax culays iyo cabudhis saara , Somaliland maanta waxay idni ka sugaysay waa ictiraaf inaad ku dadaashaan laakin maaha inaad waddanka aad dib u celisaan 1991……!!!!!!!!!

Siyaasaddan qaloocda wax laguma heli karo wallahi , Allaah wuxuu yiri kheer haddi aad samaysid kheer ayaad helaysa , laakin xumaantu waxay dhalisaa waa cadaawad iyo ciil fara badan ,ee Allah kheerka ha idin tuso.

Xukaamadda Somaliland waxaan o sheegi lahaa lacag wax laguma heli karo markasta , ee lacagta haku dhamaynina dadka masaakiinta ah ee aad kulba shir yar hotelada ogu qabanaysaan. waaxaan kale odhan lahaa Dugsi male Qabyaaladi waxay dumiso mooyaane “AUN Abwaan Timadde”.

 

Gudomiyaha Garabka Haweenka ee Finland Marwo Samia Omar Hagi Muse

 

 

Comments are closed