Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Tijaabo ah oo Maanta laga Fuliyay Hargaysa iyo Baki {Barnaamij uu Qurbejoog idiinka Diyaariyay Dhagayso}
Hargaysa 21.June 2014 (SDN/QJ)- Diiwaan galin lagu samaynayo muwaadiniinta, looguna magacdaray TIJAABO ayaa maanta ka bilaabatay degmada Baki, diiwaan galintan oo socon doonta mudo 5 maalmood ah ayaa waxa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta komishanka Doorashooyinka, Madaxda Axsaabta qaranka iyo madaxda degmada Baki.
Masuuliyiinta komishanku waxa ay faahfaahin ka bixiyeen ujeedada diiwangalintan waxana ay sheegeen “Diwaangalintani waa mid hordhac ah, waxa ay ka bilaabmayaa HARGAYSA iyo BAKI, maanta Baki ayay ka bilaabatay, waxa ay soconaysaa 5 maalmood, sedexda maalmood ee hore waxa aan diiwaangalinayaa 300 oo qof, labada maalmood ee kale waxa ku soo noqon doonaa 200 oo qof oo ka mid ah dadka la diiwaangaliyay, waxana ujeedada loogu celinayaa ay tahay in la qabto khaladaadka ku celcelinta ka dhasha, waxana la sheegi karaa in sanadkan indhaha la sawirayo oo iyaga lagu kala saarayo dadka ku noqnoqonaya iyo kuwa kale”
Madaxda axsaabta qaranka oo iyaguna ka hadalay halkaasi ayaa soo dhaweeyay diiwaangalintan.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO BARNAAMIJKAN GAARKA AH
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Tijaabo21j.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com