Hogaanka Xisbiga Mucaardka Ah Ee Ucid Oo Canbaareeyay Xadhiga Gudoomiyihii Garabka Haweenka Heer Qaran Ee Xisbiga
Hargaysa: 21,June,2014(SDN/QJ)- Masuuliyiinta Sar sare ee Xibiga Macaaradka ah ee Ucid,ayaa Si Kulul u canbaareeyay Xadhig ay sheegeen in lagula kacay Gudoomiyihii Garabka Haweenka ee Xisbiga Ucid,oo Maalmihii ugu danbeeyay ku xidhan Saldhiga Dhexe ee Magaaladda Hargaysa.
War qoraal ah oo ay soo saareen Masuulyinta Xisbiga oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabadda Wararka ee Qurbejoog.com,ayaa waxa uu u dhignaa sida tan: “Warsaxaafadeed
Ujeedo: CANBAARAYN
Xisbiga Cadaalada iyo daryeelku waxa uu si adag u cambaaraynayaa:
- Xadhiga xaq-darrada ah ee boolisku kula kacay Gudoomiyaha garabka haweenka ee heer qaran Marwo Xaliimo Cusmaan oo maalintii labaad ku xidhan saldhiga dhexe ee Hargeysa.
- Diidmada Taliyaha qaybtu uu kaga horjoog-saday gudida fulinta ucid oo uu hogaaminayay musharaxa madaxweyne Jamaal Cali Xuseen siyaaradii ay ku soo eegi lahaayeen Marwo Xalimo Cusmaan.
- Hab-dhaqanka foosha xun ee uu Taliyaha qaybtu kula kacay dadweynahii maxkamada horteeda tubnaa,dhengadii uu la dhacaayay dadweynaha oo dhamaan baal marsan xeerarka xuquuqda muwaadinka.
- Amar ku taalaynta iyo awood sheegashada ay garsoorka iyo xukuumadu kula dhaqmayaan wargeyska Haatuf iyo maamulkeeda oo sifo baal marsan xeerka saxaafada ku xidhan.
Waxa aanu xukuumada ugu baaqaynaa in si degdeg ah loo sii daayo gudoomiyaha garabka haweenka UCID ee heer qaran Marwo Xalimo Cusmaan,xorriya-deedana loogu soo celiya.
Xisbiga UCID waxa uu cambaaraynayaa caga-juglaynta joogtada ah ee xukuumadu kula kacayso xisbiyada qaranka,saxaafada iyo muwaadiniyiinta.Talaabooyinkaa oo dhamaantood baal marsan dastuurka iyo shuruucda dalka,kana dhalan karaan kacdoon shacab.
Allaa Mahad Leh
Xuseen Xasan Badmaax
Xoghayaha Xuquuqul insaanka
UCID
Hargeysa/JSL
SDN/QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com