Muuse Biixi Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay Inuu Ka Tanaasulay Musharaxnimda Kulmiye,Beeniyayna Inuu Duunyo Dhaafsaday {DHAGAYSO}
Hargaysa: 21,June,2014(SDN/QJ)-Gudoomiyaha Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye Md.Muuse Biixi Cabdi,oo goo dhawayd Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Haragysa,ayaa si rasmi ah daboolka uga qaaday inuu ka tanaasulay Hankiisii Musharaxnimda Hanka Madaxtinimo ee Dalka.
Waxaana uu sheegay in looga adkaaday Tartankii loo galay Musharaxnimda Mdaxweynaha Xisbiga Kulmiye ee Doorashada 5-ta Sanno ee Soo socota.
Mar wax laga weydiiyay in sida wararka qaar sheegayaan uu dhaafsaday Lacag,ayuu iska Fogeeyay jiritaanka Warkaasi.
Lama oga Saamaynta ay taasi ku yeelan doonto Taageerayaashii uu ku helay Loolankii iyo Hirdankii Siyaasadeed ee uu la galay Madxaweyne Siilanyo,oo meel aad u adag kala joojisay Beelaha ay kazoo kala jeedaan laba Masuul.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKII GUDOOMIYAHA KULMIYE
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MuuseTanaasul21J.mp3″]
SDN/QJ-Hargaysa