Mid Ka Mid Ah Wariyayaashii Ugu Caansanaa Magaaladda Muqdisho Oo Qarax Gaadhigiisa Loogu Xidhay Ku Dhintay Maanta
Muqdisho: 21,June,2014(SDN/QJ)-Allaha u naxariistee waxaa saaka qarax gaadhigiisa loogu soo xidhay oo ka dhacay Degmada Xamar Weyne lagu dilay Wariye Yuusuf Axmed Abuukar,(Keynaan) oo kamid ahaa Wariyaasha ugu caansan Magaalada Muqdisho kana soo shaqeeyay Warbaahino kala duwan.
Qaraxa Wariyaha lagu dilay ayaa la sheegay in uu ahaa mid gaadhigiisa loogu soo xidhay gaar ahaan halka uu fadhiisto darawalka gaariga , xiliga uu qaraxu dhacayay ayaa la tilmaamay in Wariyaha uu kaligiis saarnaa uuna kusoo jeeday goobtiisa shaqada.
Mid kamid ah Wariyaasha gaadhay halka uu ku qarxay gaarigii uu watay Wariye Yuusuf Keynaan ayaa sheegay in gaariga uu si x un u bur buray waxa uuna intaa raaciyay in xubno badan oo kamid ah jidhka wariyaha uu qaraxu jar jaray.
Meydka Wraiyaha ayaa in mudo ah ku dhax jiray gaarigii lagu qarxiyay , Maamulka Degmada Xamar Weyne iyo Taliyaha Saldhiga Degmadaasi ayaa diiday in deg deg meesha looga qaado meydka Wariyaha ,waxa ayna waceen oo xili dambe goobta soo gaaray kana qaaday meydka saraakiil kasocotay Hay’ada CID-da.
Wariye Yuusuf Kwynaan ayaa kasoo shaqeeyay Warbaahino kala duwan oo ka howlgala Dalka iyo dibadiisa , waxa uuna xiligan ahaa Tifatiraha Idaacada Mustqabal oo kamid ah Idacaadaha ka howlgala Magaalada Muqdisho.
Allaha u naxriistee Meydka Wraiye Yuusuf Keynaan ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan lagu aaso qabuuro kuyaala Magaalada Muqdisho , waxaana xiligan Isbitaalka Madiina oo la geeyay Meydka Wariyaha buux dhaafiyay Wariyaal badan oo aad uga murugeesan dilka Saaxiibkooda loo geestay.
SDN/QJ-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com