Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo Maanta Lagu Wado Inay Diiwaangelin Tijaabo ah Dalka Ka Sameeyaan
Hargeysa:June,21,2014(SDN/QJ)-Waxa Maanta oo Sabti ah lagu wadaa inay Guddida Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland inay qabtaan Diiwaangelin Tijaabo ah oo loogu gogol xaadhayo Midda rasmiga ah ee dhawaan Bilaabmi doonta.
Sida ay kulan dhawaan Xarunta Komishanka ka dhacay Xisbiyada iyo komishanku iskula garteen, waxa Maanta Xarunta Komishanka iyo Degmada Baki lagu wadaa in lagu qabto diiwaangelintaas oo ah tijaabo, iyadoo dadka Qaarkood loo ogolaan doono inay dhawr goor is diiwaangeliyaan, iyadoo la eegi doono bal sida uu qalabkani awood ugu leeyahay inuu soo saaro dadka ku celcelinta wada.
Arrintan ayaa looga Gol leeyahay in lagu dardargeliyo diiwaangelinta Codbxiya-yaasha oo dalka laga Bilaabi doono Bilaha soo socda, haddii wax waliba sidoodii u socdaan.
Diiwaangelinta Codbixiya-yaasha ayaa ah mid halbawle u ah sidii dalka looga qaban lahaa doorashooyinka Madaxtooyada iyo Barlamaanka oo la doonayo in lagu galo Diiwaangelin, taas oo keeni karta inay dalka ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ahi.
Komishanka Doorashooyinka qaranka ayaa xilligoodii ku dhaw yahay dhammaad, waxana Haddii ay si fiican iskugu dubbaridaan Hawlaha diiwaangelinta Codbixyayaasha laga yaabaa in loo muddo kordhin loo sameeyo, balse haddii aanay taasi dhicin waxa laga yaabaa in la beddelo, madaama ay qaar ka mid ah axsaabta qaranku ka cabanayaan Guddidan.
SDN/QJ