Coasta Rica oo 2-1 Ku Cunaqabateysey Itali Iyo Uruguay oo u Miciyalisaneysa Talyaaniga.(By Jaahuur).
Brazil-20-June-2014(SDN) Saaxiibayaal faaqidaadda ciyaaraha maanta waxaynu ku turxaamineynaa koobka kubadda cagta ee aduunka kana socda dalka Brazil oo aay qaarna ka jaqaafiyeen qaar kalana aay foolanayaan, haddaba maxaa kala haysta Uruguay iyo Italy oo min hal ciyaar laga soo badiyey.
Haddaba ciyaartii ugu xiisaha badneyd waxay dhexmartay maanta Costa Rica iyo Italy waxaana ka soo qeybgaley dadweyne caga-cageynaya 50,000 iyo dabcan taageerayaal fara badan ee labada dhinac.
Labadan xul ee Coasta Rica iyo Italy ayaa tii badisa wareegan toos ugu soo baxaysa ka kalana rajadiisu ku xidhantahay ciyaarta u hadhsan.
Ciyaarta oo ku bilaabantey weerar badan ayaa hadana xul walba ka daxadarayey goolal badan in laga dhaliyo ama looga hormaro.
Qeybtii hore ee ciyaarta daqiiqaddii 44-aad Coasta Rica waxay nasiib u yeelatey dhashadaan gool aad u qurux badan waxaana madaxa ku saxeexay Luiz
Qeybtii dambe ee ciyaarta walow aynaan waxaba iska dhalin haddana xulka Talyaanigu wuxuu iska lumiyey fursado qaali ah oo la odhan karo waa goolal waxaana khasaariyey Balotolle.
Ciyaartuna waxay ku soo dhamaatey 90-kii daqiiqo ee loogu talagaley Coasta Rica 1- Italy 0.
Xulka Coasta Rica oo runtii soo bandhigey labadii ciyaarood ee aay soo badiyeen ciyaar wanaagsan ayaa la saadaalinayaa iney sooo gaadhaan Finalada,waa haddii aay sidan ku wadaan.
Talyaaniguna iyo Urugwaayna waxay rajadoodu ku xidhantahay hadba tii soo badisa kulanka aay wada yeelandoonaan.
W/qorey Jaahuur
SDN
jjaahuur@hotmail.com