Qaramada Midoobey oo Tiradii ugu badneyd oo qaxooti ah in caalamka ay ku sugan yihiin sheegtay
NY June 21,2014(SDN/QJ)-Qaramada Midoobey ayaa maalinta qaxootiga aduunka ku soo beegtay shaacinta tiradii uGu badneyd ee ebid Qaxooti noqota in ay haatan ku nool yihiin dunida qeybaheeda kala duwan.
Qaramada midoobey ayaa sidoo kale sheegtay in inta badan dadkan ka yaacaya degaanadooda ay inta badan yihiin caruur iyo haween.
Xoghayaha Guud eee QM ayaa sheegay in tirade dadka qaxootiga ahi ay haatan tahay 50 million oo ruux.
Sidoo kale waxa QM ay ka hadashay in colaadaha ka socda degaano ay ka mid yihiin Soomalaiya,Suudaan iyo Syria ay yihiin kuwa sabab qaxootiga caalamka uGu badan.
Qaarada Yurub ayaa in kasta oo ay bar tilmaan u tahay inta badan qaxootiga caalamka hadana Yurub ku tilmaantay in aaney dacan mug leh ka geysan wax ka qabadka xaaladaha Qaxootiga caalamka.
Qaxootiga caalamka ayaa isugu jira qaar ka yaacaya colaadaha degaanadooda ka socda iyo qaar dhaqaale xumo ka hayaamaya.
SDN/QJ-NY