“Kenya wey oggolaatay in aanan khasab lagu celin qaxootiga Soomaalida” Ra’isal Wasaaraha Somalia
Nairobi 20.June 2014 (SDN/QJ)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo caawa la kulmay Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Nairobi, ayaa sheegay in madaxda Kenya ay aqbaleen dhaqan gelinta heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee u dhexeeyay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.
Heshiiskaas ayaa dhigayay in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya aan si khasab ah dib loogu celin xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma ama gudaha Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare Cabdiweli ayaa tilmaamay in Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhaxeeyo dano badan oo ay ugu horreyso iskaashiga ammaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Wuxuu kula taliyay Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Kenya inay maalgashtaan dalka, isagoo xusay in ammaanka hadda uu yahay mid wanaagsan.
Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in ku dhawaad 40 dal ay dib Soomaaliya uga furteen safaaradahooda, taasoo ku timid dadaallada nabadda iyo horumarka ee ay waddo dowladda Soomaaliya.
Kulanka Jaaliyadda waxaa ra’iisul wasaaraha ku wehliyay wasiirka wasaaradda beeraha Cabdi Axmed (Baafo), Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga Cabdullaahi Sheekh Cali (Qalloocow) Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameriko), Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo laga soo doorto deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi iyo masuuliyiin kale, waxaana ka qeyb galay qaar ka tirsan ganacsatada Soomaalida dalka Kenya iyo dadweyne kale.
Nairobi SDN/QJ