|

“Dr Dufle wuu u qalmaa abaal marinta nabadda caalamiga” Madaxweynaha Somalia

Muqdisho 20.June 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha dowladda federeelka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeybgalay xaflad lagu taageereyey xildhibaan Dr. Cusmaan Maxmuud (Dufle) oo kamid noqday murashixiinta abaal marinta billadda nabadda caalamiga ah ee (Nobel Peace Prize).

IMG_0804Xafladda oo ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaa soo abaabulay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyey Xafladda ayaa taageeradiisa ku biiriyey Xildhibaan Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle, wuxuuna u jeediyay Soomaalida inay tageero u muujiyaan Xildhibaanka, si uu u helo abaalmarinta nabadda Caalamiga.

Wuxuu sheegay in shaqsi ahaan uu garanayo xildhibaan Dufle, uuna mudan yahay billadda, isagoo ka dalbaday guddiga qiimeynta inay codkooda siiyaan Xildhibaanka.

Dr.Cismaan Xaaji Maxamuud (Dufle) ayaa dabayaaqada bishii hore ku guuleystay abaalmarin heer caalmi ah oo uu bixiyo mac-hadka Jeveto Bitre oo ku yaalla dalka Talyaaniga.

Mac-hadka ayaa sidoo kale dhakhtar Dufle u sharaxay abaalmarinta caalamiga ah ee dhinaca nabadda ee Nobel Peace Prize.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed