Texas:Faahfaahinta Laba Wiil Oo Lagu Tuhmay Taageerada Al-shabaab Oo Gacanta Lagu Dhigay
Texas:June,20,2014(SDN/QJ)-Wararka Laga Helayo Sirdoonka Maraykanka, ayaa sheegaya in Laba Nin oo Gobolka Texas lagu Tuhmay inay Doonayaan sidii ay ugu biiri lahaayeen Jihaadka Shabaabku wadaan.
Dadka Dawcadda ku Oogaya Labadan Nin ayaa sheegay inay raggani Doonayeen sidii ugu biiri lahaayeen Jihaadiyiinta ka dagaalamaya Somalia iyo Syria.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay maalintii Salaasada ahayd in mid ka mid ah Labadani Nin oo lagu magacaabo Michael Todd Wolfe, la xidhay maalin ka hor inta aanu ka duulin Garoonka George Bush Intercontinental Airport ee Houston,xilligaasi oo uu ku sii jeeday Turkey halkaasi oo ay ku nool yihiin xaaskiisa iyo laba carruur ah.
Michael Todd Wolfe waxaa sida la sheegay uu doonayay in uu ku biiro Kooxaha Al-Qaa’ida xidhiidhka la leh ee ka dagaalama Syria oo haatan dunida ka helaysa Taageerayaal Badan.
Sidoo kale, Rahatul Khan, oo ahaa arday wax ka baranayay Jaamacada Texas “University of Texas”,ayaa isagana waxaa lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa dhalinyarada inta badan xiisaha u qaba inay ka safraan Mareynkanka si ay kaga dagaalamaan wadamada ay ugu yeedheen inay ka socdaan wax la yidhaahdo Jihaadka,sida warbixinta lagu xusay,isagoona Wiilkaani dhalinyarada ah la tilmaamay inta badan si aad ah u isticmaalayay Barta Bulshada ku xidhiidho ee Internetka halkaasina laga diiwaan geliyay.
Wolfe iyo Khan,Labadaba waa 23-sano jir,waxaana lagu eedeeyay inay taageero u muujinayeen Xoogaga Xidhiidhka la leh Al-Qaa’ida ee ka kala dagaalama Soomaaliya iyo Syria,waxaana dacwad oogayaasha hoosta ka xariiqeen in hadii Labadani ruux lagu helo eedeymaha loo jeediyay la kulmi doonaan 15-sano oo xabsi ah.
Mid ka mid ah Labadani ruux ee magaciisa la yidhaahdo Khan ayaa la tilmaamayaa inuu yahay muwaadin Bangladesh ah balse heysta dhalashada Mareynkanka.
Mareynkanka ayaa si aad ah u adkeeyay amaanka Garoomada diyaaradaha dalkaasi gaar ahaan Houston halkaasi oo si dhuumaaleysi ah kaga baxaan dhalinyarada Xidhiidhka la leh ururweynaha Al-Qaa’ida ee dagaal doonka ah.
SDN/QJ.
Contact@somalidiasporanews.com