Indha-sheel Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Tamartiisa iyo Dagaalkii uu Waday
Saax-dheer:June,20,2014(SDN/QJ)-Maxamed Jaamac Yuusuf Indha-sheeel oo sheegta inuu madaxweyne u yahay Fallaagada Khaatumo oo dhawaan Ciidamada Somaliland ka saareen deegaanka Taleex, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Qorshaha Kooxdiisa.
Indha-sheel oo warbaahinta Deegaanadaas u warramayey, ayaa sheegay inay wali leeyihiin awood ay iskaga dhiciyaan Ciidanka qaranka Somaliland oo uu ku eedeeyey qaar gardarro ku soo duulay oo dhul kale yimi.
Waxa uu sheegay indha-sheel, in shirkii ciidanka Somaliland xoogga ku diideen oo kooxaha Nabad-diidka ahi qabsan lahaayeen uu dhici doono Dhawaan, isagoo intaas ku daray inaanay wali qorshaysan meesha uu ka dhici doono.
Waxa uu indha-sheel Shacabka Deegaanada uu sheegto ku dhaqan ugu baaqay inay Hubka qaataan oo ay Dagaal iyo qalalaase ridaan,
“meel kasta oo deegaanka lahaysto ah waanu wada Hadalnay inay dadku kacaan oo hawlgallo ka sameeyaan oo ay meel walba kula dagaalamaan cadowga, wiilashan yaryari ilaa iyo saylac ka yimi” ayuu yidhi Indha-sheel.
Waxa uu ku goodiyey inay meel mari doonto natiijada dagaalka ay ku jiraan, isla-markaana la gaadhi doono meesha loo soccdo.
Mudane Indha-sheel ayaan la garanayn meesha uu joogo tan iyo intii ciidamda Somaliland ka saareen Deegaanka Taleex oo uu markii hore ku sugnaa, waxase la sheegayaa inuu Baxsad ku joogo deegaano ka tirsan Ethiopia oo uu Baxsadkii ku galay.
Ciidamada Somaliland ayaa Toddobaadkii hore Dhirbaaxo kulul ku kala dareeriyey Maleeshiyada uu Indha-shel hoggaamiyo, waxana ay Gacanta ku dhigeen Deegaankaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey.
SDN/QJ.
Contact@somalidiasporanews.com