|

William Ruto Oo Lagu Khasbay Inuu Dhegaysto Markhaatiyada Furaya Dacwadda Ka Dhanka ee Taalla Haigu

Hauge:June,20,2014(SDN/QJ)-William Ruto oo ah Madaxwayne-ku-xigeenka dalka Kenya, ayaa Khasab lagaga dhigay inuu dhegaysto Markhaatiyada Dawacadiisa ka Taagan Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC-da.

ruutoWilliam ayaa ka ababaxay Dalkiisa Maalinamadii Arbacadii, waxana uu Dhegaystay Qaar ka mid ah Dacwadaha lagu soo eedeeyey oo Hortiisa ay dad markhaatiyaasha ka mid ahi ka akhriyeen.

Waxa Maxkamaddu u sheegtay Ruto inuu Halkaas ku sugnaado muddo Laba maalmood ah si uu uga bogto dacwadda lOo Haysto ee la xidhiidha Rabshadihii ka dhacay dalka Kenya xilliyadii uu mucaaridka ahaa.

Markhaatigii 19-aad oo isaga  bixinayay markhaatigiisa aaya waxa u sheeagy in uu ka qaybgalay isu soo bax uu Ruto soo agaasimay oo ka dhacay degaanka uu Ruto ku dhashay .

Markhaatigan ayaa waxa uu sidoo kale maxkamada u sheegay in taageerayaal ka tirsanaa xisbiga ODM ay carqaladeeyeen isu so baxyo ay xisbiga PNU xiligii doorashada ku qabanayeen qayba ka mid ah gobolka Rifty Vally.

Wiliam ayaa si khasab ah ku dhegaysanayey Dawacadda, waxana uu indhihiisa ku arkayey dadka markhaatiga ku furaya ee wada eedda isaga ka dhanka ah.

 

 

SDN/QJ.

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed