|

Madaxtooyada Oo Xabsiga Dhigtay Haweenay Ka Mid ah Dhidibada Xisbiga Ucid

Hargeysa:June,20,2014(SDN/QJ)-Madaxtooyada Somaliland ayaa Xabsiga dhigtay Guddoomiyihii Garabka Haweenka ee Xisbiga Ucid Marwo Xaliimo Cismaan Raage, kadib markii ay ka Muraara-dillaacday Dhaqdhaqaaqyo Lagaga soo horjeedo Xadhiga Yuusuf Cabid Gaboobe Oo Marwadu ku luglahayd.

bubuWararka u dhuun daloola Xadhiga Marwo  Xaliimo Cismaan ayaaa shabakadda Qurbejoog.com u xaqiijiyey inay xadhigeeda amreen Haween Madaxtooyada ka tirsani, kuwaas oo ka Biyo diidsan Falal ka dhan ahaa xadhiga Yuusuf cabdi Gaboobe ay maxkamadda Horteeda ka Abaabushay.

Wararka aanu Hayno ayaa sheegaya in Markii Laga Dareeray Maxkamadda Shalay lagu dhegaysanayey Kiiska Yuusuf Cabdi Gaboobe,  Madaxtooyada, gaar ahaan Haweenka Loo Gudbiyey Hadallo sheegaya in xaliimo Goobta ka muujisay Dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Xadhiga Yuusuf, taas ay haweenkaasina amarku u bixyeen inay Xabsiga u diraan Guddoomiyaha Garbaka Haweenka ee Xisbiga Ucid.

Xaliimo Cismaan Raage, ayaa Abaaro 12-kii duhurnimo ee shalay laga kaxeeyey Meherradeeda ku taalla badhtamaha Suuqa Hargeysa, waxana loo dhaadhiciyey Saldhigga dhexe ee Hargeysa halkaas oo ay wali ku xidhan tahay.

Marwo Xaliimo xadhigeeda waxa si weyn u cambaareeyey Dhammaanba Madaxda Xisbiga , iyadoo Xoghayaha Warfaafinta xisbiga Ucid oo  nala soo xidhiidhay uu si weyn u cambaareeyey xadhiga Haweenaydaas aan waxba galabsan loo geystay.

Yuusuf Kayse, Xoghayaha warfaafinta ee Xisbiga Ucid waxa uu tilmaanay inuu xadhiga loo geystay Guddoomiyahoodu ka mid yahay Tacaddiyada iyo cago-juglaynta Xukuumaddu ku Hayso Mucaaridka iyo Saxaafadda Dalkaba.

Xukuumadda Somaliland ayaan iyadu wali ka hadlin xadhiga Marwo Xaliimo Cismaan, waxana wali ay Haweenaydu ku jirtaa Gacanta Ciidanka Booliska.

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed