Ganacsade Ina Boore oo Xukuumada Jabuuti uga guuleystay Maxkamad Dubai ku taal
Dubai June 20, 2014(SDN/QJ)-Ganacsade Cabdiraxmaan oo ay xukuumada Jamhuuriyada Jabuuti ku qaaday weerar Ba’an isla markaana isku deyday in ay u isticmaasho dawlada Imaraadka balse waxa uu dhawaan ku guuleystay dacwad ay Dubai uga furtay Jamhuuriyada Jabuuti.
Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo ay hore xiriir dhaw la lahaa madaxweynaha Jabuuti ayaa khilaaf siyaasadeed uu aad u kala fogeeyay sanadihii u danbeeyay.
Hantidii Ganacsade Boore ayaa in badan oo ka mid ah waxa la wareegay xukuumada Jabuuti.
Ganacsade Boore ayaa haatan dib ugu duulay qaarada Yurub oo uu ku noolaa intii ka danbeeysay colaadi dhexmartay ganacsadaha iyo xukuumada Jabuuti.
Xukuumada Jabuuti Ayaan marnaba ka hadal dacwada ay ku oogtay ganacsade Cabdiraxmaan Boore, isla markaana aan weli ka hadal sii deyntiisa.
SDN/QJ-Dubai
contact@qurbejoog.com