Obaama oo halkii laga filayay in uu ciidamo uga diro Ciraaq sheegay in uu la-taliyeyaal uga dirayo
Washington June 20, 2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa sheegay in uu dalka Ciraaq u dirayo koox la-taliyeyaal ciidan oo dawlada dalkaas ka caawisa iska caabinta xagjiriinta ISIS.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in Mareykanku aanu la kala safan doonin qabaalilka dalka Ciraaq eek u herdamaya talada dalkaasi.
Mareykanka ayaa siweyn uga walaacsan xaalada dalka Ciraaq oo dhul badan oo ka mid ahi ay ku sugan yihiin haatan dagaalyahano Al Qaacida ka mid ah.
Dagaalyahanada ayaa haatan kaabiga u saran caasimada dalka Ciraaq ee Baqdaad,waxaaney gacanta haatan ku dhigeen goob shidaalka lagu nadiifiyo oo muhiim ah.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhaliil u jeediyay madaxda dalka Ciraaq khaasatan raiisul wasaare Maliki oo uu sheegay in uu dalkaasi u kala qeybiyay Suni iyo shiica.
Si kastaba ha ahaatee Mareykanka ayaa axsaabtiisa iyo shicibkiisuba ku kala qeybsan yahay waxa laga yeelayo ciidamada Al Qaacida ee ku dhaw in ay gebi ahaanba la wareegaan Ciraaq.
SDN/QJ-Washington