|

Xukuumada Jabuuti oo Dhegaha ka fureysatay goan maxkamaeed oo lagu sii daayay Afhayeenka Mucaaridka Jabuuti Daaf iyo Xiisad ka dhalatay xabsi kale oo ay geysay

Jabuuti June 19,2014(SDN/QJ)-Xukuumada Jabuuti ayaa goaan maxkamadeed oo lagu siideyay Afhayeenka mucaaridka Jabuuti Daahir Axmed Faarax dhegaha ka fureysatay isla markaana Hogaamiyaha u dhaadhicisay xabsi kale.

Sida uu inoo xaqiijiyay Wakiilkaa dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN ee dalkan Canada Md Xuseen Cabdiraxmaan Jaamac Cadhoole Xukuumada Jabuuti ayaa haatan xabsi lagu hayo dadka waalan geysay Afhayeenka USN Md Daahir Axmed Faarax.

Xiisad ka dhalatay tilaabadan waxashnimada ah ayaa haatan laga dareemayaa guddaha iyo dibedda dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Afhayeenka mucaaridka Jabuuti Daahir Axmed Faarax ayaa tiroba dhawr jeer ay xukuumada Jabuuti xabsiga dhigtay iyada oo aan u marin nidaam sharciyeed.

Wakiilka USN ee Canada ayaa si adag u canbaareeyay xariga sharciga ka baxsan ee lagula kacay Afhayeenka USN, wuxuuna sidoo kale dalbaday in Afhayeenka USN Daahir Axmed Faarax iyo shicibka kale ee ku jiira xabsiyada Jabuuti si deg dega xoriyadooda loogu soo celiyo.

Waxaanu dadka reer Jabuuti uGu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan nidaamka guracan ee uu hogaamiyo Ismaaciil Cumar Geelle.

SDN/QJ-Jabuti

contact@qurbejoog.com

Comments are closed