Musuq-maasuq hadheeyay waaxda garsoorka..Q.8aad
Taxanahan oo halkiisii inooga socon doona maanta waxa aan akhristayaasha qormadan ugu soo bandhigi doonaa dhawr ka mid ah dacwadaha la yaabka igu riday ee aan goob joog ka ahaa,kuna sameeyay daba-gal ilaa aan ka ogaaday musuqa ku gadaa-naa iyo halka ay ka soo bilaab-maan.Waa silsilad isku xidhan oo cadaw u ah cadaalada,waa barta qalooca hab-socodka dacwadahu ee ay ka curtaan dulmiga lagu hayo muwaadiniyiinta.Waxaanay sababtay cadaalad-darrada iyo eexda ku habsaday waaxda garsoorka.
Inta aanan hoos ugu daadegin arrimahaa gurracan waxa aan akhristayaasha u soo gudbinayaa qaab dhismeedka silsiladda isku xidhan ee ay ka dhalanayso cadaalad darrada ku dhex mulaaqan w/garsoorka.Silsilada waxa hogaan ka ah gudoomiyaha maxkamada,waxa uu soo saaray digreeto uu gudoomiyaha gobolka M/Jeex masuul uga dhigay dacwadaha culus ee ciqaabta iyo dacwadaha ugu horeeya subax kasta.Gudoomiyaha gobol-kuna isna warqad ayuu saaray uu garsoore Assad masuul uga dhigay inuu dacwadahaa qaado.Waxa isna silsilada ku biiray gudoomiyaha maxkamada rafcaanka.Waxa iyana ka qayb ah kooxda taliyayaasha saldhig-yada Hargeysa qaar-kood iyo baadha-yaasha.
Hadaba aan tusaale u soo qaato dulmiga lagula kaco shacabka ee aanu madaxweyne Axmed-siiraanyo waxba ka ogayn ama si kale loogu sheego.Waxa caado noqotay booliisku inay arday xaafadahooda hortooda ku sheekay-sanaya si kibir ah u soo qab-qabtaan ayagoo ku andacoonaya waxay ka tirsanyihiin kooxo dhalinyaro ah oo dagaalanta! Maalin ayaa anigoo maraya ayaa isla kay soo jiidheen booliis iyo arday ay dhalinyaro ay eryanayaan.Waxay qabteen 6 arday.Waxa aan soo gaadhay dhalintii oo leh(Arday ayaanu nahay dugsi hebel iyo dugsi hebel ayaanu ku jirnaa).Dheg looma dhigin ee baabuurkii ayay ku gureen intay silsilad bir ah isugu xidheen.Saldhiga ayaa lagu xidhay.Waxa aan subaxdii isku dayay inaan taliyaha saldhiga u sharxo dhalintaasi inay arday yahiin oo aanay shaqo ku lahayn kooxaha dagaalama.Waxa uu ku jawaabay(Adigu ma waalid ayaad u tahay qaar ka mid ah),maya ayaan ku idhi,markaas ayuu igu amray inaan dibada uga baxo saldhiga.Waan yeelay balse waxa aan goostay inaan la socdo ardaydaa waxa laga yeelo.Markaa 4casho kadib ayaa baadhahii waxa uu guryaha ugu tagay waalidiintii dhashay ardayda,waxay u sheegeen hadii ay midkiiba ka bixiyaan Sh.700,000 inay soo dayn doonaan hadii kale beri maxkamad la gayn doono!Cajiib,waalidiintii ayaa yidhi(Waagu haynoo beryo).Arrinkaasi ma suurta gelin ee ardaydii waxa aan kula kulmay maxkamada.Ayaan darrada dhacday baadhahii waxa uu ardayda ka dhaadhiciyay hadii ay qirtaan inay ka tirsanyahiin kooxaha is-dila inay sii dayn doonaan,iyana way rumaysteen.Taa waxa ka sii darrayd garsoorahii ayaa si fudud u aqbalay waxii uu baadhahu soo malmaluuqay u aqbalay!Cajiib,Garsoorahii ayaa ku dhawaaqay xukun isku mid ah dhamaan 6dii arday oo ahaa sannad xadhig ah iyo milyan ganaax ah.Cajiib,subaxii xigayna xabsiga mandheera ayaa loo qaaday.Waxa hadaba is-waydiin mudan sababta ardaydaa aan waxba galabsan xadhiga xaq-darrada oo loogu riday ee aan innaba xuquuq-doodii aasaasiga ahayd la tix gelin!Cajiib.
La Soco…….
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL